Hangoolnews.com
Maayarka Berbera Oo Bilaabey Qorsheyaal Liddi Ku Ah Horumarka Magaalada Berbera Iyo Bulshada Degmada Oo La Yaaban.
January 3, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Maayarka magaalada Berbera ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey bilaabay qorsheyaal kala duwan oo uu iskaga hor keenaayo bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaaladaasi.

Maayar C/shakuur Cidin ayaa tan iyo mudadii uu xilka hayay waxa uu iska hor keen ka dhex bilaabay dadka degmadaasi isaga oo u soo maraya is hor keenka bulshada qaybinta danta guud isaga oo dhulkii danta guud gaar ahaan dhulalkii ku dhawaa meelaha muhiimka iyo wajhadaha ah siiyey dad ay isku dhow yihiin ama ay ehel gaar ah yihiin taasi oo ka cadhaysiisey dadka dhinacooda ka doonayay Dawlada hoose ee Berbera in ay ka helaan dhulkii ay xaqa u lahaayeen.

Geesta kale Maayar Cidin ayaa waxa uu sameeyey arimo ku cusub  dhaqanka maayarada ka dib markii uu siiyey dhul dad isaga oo hadba dhulka uu cid siiyo mid kale ka daba dira isla markaana u sheega in uu isaga siiyey dhulkaasi taasi oo sababtey in ay madaxa isla galaan dadkaasi uu halka warqad ku wada siiyey hal dhul.

Arintani ayaa ah mid ka hor imanaysa horumarka iyo geedi socodka magaalada Berbera iyada oo xiligan ay halkaasi ku sii qul qulayaan ganacsato aad u badan oo doonaya in ay maal gashiyo dhinaca ganacsiga ah maadaama dhawaan la filaayo in halkaasi laga bilaabo mashruuca balaadhinta dekeda Berbera ee Shirkada D.B.World.

Dhacdooyinka maayar Cidin ayaa ah qaar ay aad ula yaabeen bulshada ku dhaqan magaalada Berbera iyo kala shirinta uu ka dhex bilaabay bulshada walaalaha ah ee halkaasi wada dega.

Hangoolnews.com

Berbera/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News