Hangoolnews.com
“Hadii Cidi Somaliya U Dhaw Dahay Waxa U Dhaw Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Oo Wada Hadalo La Furtay”Siyaasi Cabdi Haybe.
January 3, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland kana tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sidoo kalena xukuumaddii hore ee madaxwayne Daahir Riyaalena wasiir ka ahaa ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE ku jiro olole,isaga oo ku eedeeyey inuu hantiii umadda ku ololaynayo.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wargeyska Geeska Africa waraysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kalena waxba kama jiraan iyo dacaayado ku tilmaamay wararka sheegaya in Cabdiraxmaan Cirro oo ah murashaxa xisbiga WADDANI la kulmay raysal wasaaraha dalka Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake,waxaana uu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya olole uu sheegay inuu xisbiga KULMIYE ku jiro

“ Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE wuxuu dalka ka wadaa olole iyada oo abaar xumi jirto oo dadkii iyo xoolihiiba leedeen ayaa haddana xisbiga KULMIYE ku jiraa olole sharci darro ah oo aan looo fasixin,waxay ku ololaynayaan hantidii umadda ka dhaxaysey iyo gaadiidkii umadda ka dhaxeeyey ee dawlada,xisbiga KULMIYE waxaan leeyahay joojiya ololaha,dalka abaar baa ka jirta oo wali ololihii lama gaadhin ee wakhtigiisa suga oo dadku ma qaadi karo ololahan aad waddaane joojiya”

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadleyey wararka sheegaya in Murashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro la kulmay raysal wasaaraha dalka Somaliya ayaa waxa uu yidhi

“Waa dacaayado  iyo been abuur lagu doonayo in olole laga dhigto in Cabdiraxmaan Cirro la kulmo raysal wasaaraha Somaliya,suurto galna maaha inuu la kulmo,maxaa yeelay waa gudoomiyihii baarlamaanka Somaliland waana murashaxii madaxweyne ee xisbiga WADDANI markaa waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cirro waa madaxwaynihii mustaqbalka,lagamana yaabo inuu si yar oo fudud oo dhumasho ah kula kulmo madaxda Somaliya  ee dadkiisa iyo dalkiisa wuu jecel yahaye dacaayadda joojiya oo siyaasadd hufan oo bila turxaan ah la yimaada oo soo bandhiga,sawiro laysku nab-nabayna qiil haka dhiganina oo waatii Muuse Biixi iyo madaxwaynaha Somaliya oo wada joogaba lasoo wada sawiray,hadii cidi Somaliya u dhaw dahayna waxa u dhaw xukuumadda madaxwayne Siilaanyo oo wada hadalo la furtay oo Ankara,Ingiriiska,Dubai,Jabuuti intaba isku arkay oo ku wada hadlay,oo waliba rag ka tirsanaa oo xilal ka hayey ay toos u tageen Muqdisho,markaa xisbiga KULMIYE maaha inuu ku meerayso meelo yar yar oo soke iyo dacaayado aan ka soconaynine waxaan leeyahay tartankiinu ha noqdo tartan Hufan”

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadleyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo waxa uu yidhi

“Xukuumaddan madaxwayne Siilaanyo waxay lasoo baxday dhaqamo aan hore loogu aqoon xukuumadihii ka horeeyey oo ah qabyaaladii oo ay meel aad u xun gaadhsiisay oo xukuumadihii hore dhinaca wanaagsan ayey mar walba ka istaagi jireen qabyaalada iyo Beelaha,balse xukuumaddani dhinaca xun bay ka istaagtay,laakiin shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay waxaad tihiin dad reer Somaliland ah oo ku abtirsada jamhuuriyadda Somaliland ee mar walba dhinaca wanaagsan ka eega qabyaalada”

Dhanka kale siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadleyey doorashada ayaa waxa uu yidhi

“Doorashadii waxa hadhay muddo saddex bilood ah,waxaanay aniga ila tahay markaan eegay xaalada ay dadkeenu ku jiro,abaaraha taagan iyo waxa la filan karo in aanay doorashadu wakhtigaas ku dhacayn ,madaama abaar aad u darani jirto oo bisha saddexaad ku began tahay Jilaal,waxaanse filayaa in hadii ay dib u dhacdana in wakhti aan badnayn dib u dhici doonto ,komishanka iyo saddexda xisbi ayaana kolay iska arki doona arrinta doorashada,iyagaana kolay go’aan wada jir ah kasoo saari doona”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay siyaasi Cabdi Haybe.

Source Geeska

COMMENTS
Latest News