Hangoolnews.com
Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Somaliland Oo Dhidibadda U Taagay Himilo Cusub Iyo Howl Shacabku Ku Diirsaday
January 3, 2017 - Written by Hangool

 

 

 

Hangoolnews:- Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Ee Somaliland Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed Cilmi Ayaa Muddadii Uu Joogay Haayadda Ugu Saraysa Garsoorka Dalka Waxaa Uu Sameeyay Is-Badal La Taaban Karo Oo Dhinaca Cadaaladda Ah.

Aadan Xaaji Cali Ayaa Loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Xili Ay Shacabka Somaliland Baahi Wayn U Qabaan Sidii Ay U Heli Lahaayeen Gar-Naq Aan Eexi Ku Jirin.

Aadan Xaaji Cali Ayaa Markii Uu La Wareegay Xilkaasi Waxaa Uu Markiiba Bilaabay In Uu Sameeyo Oo Uu Abuuro Garsoorayaal Tayadoodu Sarrayso.

Waxaanu Ku Guulaystay In Uu Dhameeyo Kiisas Muddo Dheer Maxkamadda Ku Jiray Oo Ay Tah-Li Waayeen Masuuliyiintii Isaga Xilka Ugu Horeeyay.

Aadan Xaaji Cali Waa Aqoonyahan Dhalinyaro Ah Oo Intii Aanu Xilka Qabana Dadkiisa Wax Bari Jiray.

Shacabka Somaliland Ayaa Aad U Xusa In Wax Badani Iska Badaleen Guud Ahaan Garsoorka Somaliland ,

Dhinaca Kale Aadan Xaaji Cali Ayaa Ah Sidda Dadka Dacwadaha Maxkamadda Ka Yaalaan  Ay Xaqiijinayaan Ku Tilmaama Mid U Dhago-Nugul Dadka Oo Dhagaysta In Badan.

Guud Ahaan Taariikhda Somaliland Ayaa Waxay Ay Qori Doontaa Cidkasta Oo Raad Fiican U Horseeda Ummadda Shacabka Somaliland.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News