Hangoolnews.com
Ehelada Dhibane Dhaawac Ka Soo Gaadhay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Meel Ku Dhow Degmada Arabsiyo Oo Walaac Ka Muujyey Garsoorka Ciidamada Taraafikada.
January 3, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Baadhitaanka shil baabuur oo dhawaan ka dhacay jidka u dhaxeeya Hargeysa iyo Gabiley oo ay ku naf waayeen saddex qof, qof kalena uu ku dhaawacmay ayaa laanta nabadgaliyada wadooyinka ee ciidamada booliska ay ehelada qofkan dhaawaca ah oo ahaa darawalkii waday gaadhiga yar ay ku dhaliileen qaabka loo waajahay iyo natiijada kiiskan.

Shilkan oo todobaadkan ka dhacay tuulada Agamsaha ee gobolka Gabiley,waxaana uu shilkan sababay dhimashada saddex qof halka qof kalena ku dhaawacmay,waxaana shilkan uu ahaa isku dhaca laba baabuur oo kala ahaa gawaadhida xamuulka qaada ee loo yaqaano Waraadka iyo gawaadhida yar yar ee shaqada loona yaqaano Tukhaanka.

Waxaana ehelada dhibbanahan dhaawaca culusi soo gaadhay oo ahaa darawalkii waday gaadhiga yar ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaabka loo waajahay baadhitaanka shilkan oo ay sheegeen inaanu habayaraatee waafaqsanayn sharciga,waxaanay arrintaasi u sibir saareen taliyaha ciidamada taraafikada ahna afhayeenka ciidamada booliska Somaliland Gaashaanle sare Faysal Xiis.

Waxaana ay sheegeen eheladani in Cabdixakiin Mawliid oo ah wadaha baabuurka tukhaanka ah oo uu soo gaadhay dhaawac halis ahi uu ku xidhan yahay saldhiga magaalada Gabiley isaga oo aan habayaraatee wax daawayn ah helin isla markaana dhaawac ah.

Eheladan ayaa sheegay inay u cuntami waydey amar ay tibaaxeen inuu ka yimi taliyaha taraafikada Somaliland isla markaana uu xoriyaddiisa u celiyey wadihii baabuurkii waaraadka ahaa ee ay isku dhaceen gaadhiga yar,waxaana ay sidoo kale carabka ku dhufteen eheladani in aan habayaraatee laga garnaqin isku dhaca laban gaadhi iyo waliba gaadhiga qaladka lahaa ee sababay dhimashada saddexdan qof.

Eheladan ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in dhibbanaha dhaawaca ah ee waday gaadhiga yar loo diiday eheladiisa inay daawayeen oo ay geeyaan cusbitaal lagu daweeyo maadama oo uu qabo sida ay sheegeen dhaawac halis ah.

Ehelada dhibbanaha dhaawaca ah ee ku dhaawacmay shilka ayaa waxay baaq u direen saraakiisha sar sare ee ciidanka booliska iyaga oo ka codsaday in kiiskooda hoos loo eego.

Taliyaha ciidamada Taraafikada Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo ay ah taliyaha ay eheladan cabashada ka muujiyeen ayaan ka hadal ilaa hadda arrinkan,mar aanu isku daynay inaan la xidhiidhno si aan wax uga waydiino arrinkan ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaban waayey awgeed.

 

COMMENTS
Latest News