Hangoolnews.com
War:- Deg Dega:- Daawo:– Ciidanka Booliska Oo Heegan Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland La Galiyay Iyo Cid Gaara Oo Lagu Soo Qab-Qaban Doono
January 2, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews) :– Ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland ayaa la galiyay hawl gal aan kala go’laheyn noociisuna ku cusub yahay Somaliland.

“Ciidanku waxaa uu galaya hawl gal aan kala go’laheyn noociisuna ku cusub yahay Somaliland laguna qaadayo dadka khaldan ee sida xun warbaahinta uga hadla, iyada oo la ilaalinayo nabad-galiyada ciidankaasina waxaa uu gudanayaa waajibaadkiisa, meelkasta oo uu joogana waa loogu tagayaa waana lagula xisaabtamayaa, dadweynaha iyo shacabka wanaagsann waxaanu leenahay nagu taageera hawshaasi”

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Cidkasta oo talaabadaasi ku kacda ciidanka boolisku gacanta ayuu ku soo dhigayaa, hawl galkanina maaha, mid ku kooban caasimada uun laaakiin gobolada oo dhan waa uu ka dhici doonaa, waxaana loo baahan yahay in laga foojignaado wax kasta oo nabad-galiyada qarankan Somaliland carqaladeynaaya, amase waxyeelayaa, ama dhibaateynaaya, bulshada dhagaheedana xumeynaaya war wara galinaaya, ciidanka boolisku u dulqaadan maayo, qof faafiya war beena ciidanku talaabo ayuu ka qaadaya, markaa waxaan leeyahay waar ama marka hore aamus oo afkaaga heyso ama marka danbe qaylada warbaahinta ka daa”

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News