Hangoolnews.com
Muwaadin Ay Ciidanka Boolisku U Diideen In La Dhaawiciyo Iyo Taliye Amaray Arrin Ku Cusub Dhaqanka Somaliland + Xaaladda Taagan
January 2, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Ciidanka Booliska Somaliland Qaybtiida Nabad-Galyadda Waddooyinka Ayaa Si Aan Waafaqsanayn U Qaaday Kiis Shil Gaadhi Oo Todobaadkan Ka Dhacay Tuuladda Agamsaha Oo Tirsan Gobolka Gabilay.

Kiiskan Ayaa Ahaa Laba Baabuur Isku Jiiday Deegaankaas Kuwaas Oo Kala Ahaa Gaadhi Waaraad Ah Iyo Tuqaan.

Shilka Labadan Gaadhi Ayaa Waxaa Uu Sababay Dhimashadda Saddex Qof Oo Ku Naf-Waayay, Halka Dareewalkii Waday Uu Soo Gaadhay Dhaawac Halisa Waxaana Lagu Xidhay Saldhiga Gabilay Isagoo Loo Diiday In Xaaladdiisa Caafimaad La Dabiibo,

Dareewalka Ayaa Lagu Magacaabaa Cabdixakiin Mowliid,

Arrinta Mucjisadda Noqotay Ahaa Ah In La Siidaayay Gaadhigii Waaraadka Ahaa Iyo Dareewalkii Wadday Iyadoo Aan Sharciga La Horgayn Cidda Khaladka Leh,

Taliyaha Laanta Nabadgalayadda Waddooyinka Somaliland Ahna Af-Hayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sarre Faysal Xiis Cilmi Ayaa Diiday In La Daweeyo Dhaawaca Dareewalkan Xaalada Halista Ah Ku Sugan.

Mar Aanu La Xidhiidhnay Taliyahan Si Aanu Wax Ugu Waydiino Ayaanu Naga Qaban Mobile-Kiisa Gacanta.

Waxaa Dhawaanahan Isi-Soo Taraya Cabashada Iyo Cadaaladd Daradda Ay Dadka Kiisaska Shilka Galaa Ay Kala Kulmayaan Qabta Nabadgaladda Waddooyinka Somaliland Taas Oo Iyadoo Aan Maxkamadda Muwaadinka La Hor-Gayn Lagu Xidho Muddo Dheer Xaruumahooda.

Muwaadinka Ayaa La Diiday In Lagu Dhaawiciyo Halka La Siidaayay Gaadhigii Kale Ee Ay Si Jiidheen Iyo Dareewalkii Wadday Waa Arrin Haddaan Wax Laga Qaban Hor Seedi Karta In Dad Badani Ay Waayaan Cadaaladd.

 

Hangoolnews.com

COMMENTS
Latest News