Hangoolnews.com
Ma Dhabaa In Masuuliyiin Ka Tirsan Kulmiye Muuse Biixina Ay Isku Hayb-Yihiin Loo Dhiibay Lacagtii La Siiyay Wargayskii Star Ee Nayroobi + Magacyadooda
January 2, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Warar Hoose Ayaa Sheegaya In Lacagtii La Siiyay Wargayska Star Ee Lagu Fadeexadaynayay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddan Loo Dhiibay Masuuliyiin Ay Muuse Biixi Isku Hayb Yihiin,

Waxaana Lagactan La Mariyay Meelo Kala Duwan,

Masuuliyiinta Ayaa Sidda Warar Hor-Dhac Ahi Sheegayaan In Uu Ka Mid Yahay Aqoon-Yahan Maxamed Cali Bile Oo Dhawaan Ku Biiray Xisbiga Kulmiye,

Halka Masuulka Kale Ee Wargayska Loo Sii Maray Lagu Sheegayo Maxamed Cumar Carte Qaalib Oo Ah Raysal –Wasaare Ku Xigeenka Somaliya.

Maxamed Cali Bille Ayaa Waxaa Uu U Socdaalay Dhowr Meelood Oo Bariga Africa Ah, Si Aan Safarkiisa Loo Dhaadin, Haddii Arrinkan Uu Dhab Noqdana Waxaa Uu Aqoon-Yahanka Ay Ku Noqon Doontaa Laf-Dhuun Gashay Waxaanu Waayin Doonaa Kalsooni Badan Oo Shacabku U Hayeen

Todobaadadii Ugu Dambaysay Waxaa Sii Xoogaynaya Dacaayadaha Iyo Is-Xajiimanta Ay Labada Xisbi Ee Kulmiye Iyo Waddani Ay Ka Waddan Gudaha Somaliland Xili Shacabku Abaar, Sixir Barar Iyo Duruuf Ku Jiro.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News