Hangoolnews.com
Faah-Faahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Qaraxyo Gil-Giley Magaalada Muqdisho.
January 2, 2017 - Written by Hangool

– Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa qaraxyada, waxaana ay kadhaceen meel ku dhow albaabka Madiino Gate ee laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Bartilmaameydka qaraxa ayaa lagu sheegayaa inuu ahaa hotel Peace oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha, waxaana hotelka sanadkii hore lagu qabtay shirkii madaxda urur goboleedka IGAD.

Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay weerarka qaraxa, laakiin waxaa soo baxaya inuu jiro burbur hantiyadeed oo aad u badan.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyeed ayaa sheegaya in waxyeelada ugu badan ay soo gaaray ciidamadda ku sugnaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News