Hangoolnews.com
Deg Deg:- Daawo:–Hooyo Ilmo Ay Dhashay Tuurtey Ilmihii Oo Nool Lana Helay Ciidanka Booliska Oo Gacanta Ku Soo Dhigey Hooyadaasi Iyo Goobta Ay Ka Dhacday
January 2, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:– Dhacdo aad u naxdin badan oo guud ahaanba dadkii maqlay arintani ama goob jooga u ahaa ay ka naxeen ayaa waxa ku kacday hooyo dhashay ilmo cunug ah kaasi oo ay tuurtey ka dib markii ay umushey.

Hooyada dhacdadani samaysay oo ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay cunuga yar ku tuurtey meel xabaalo ah halkaasi oo ay ku arkeen ilmahaasi oo nool xaafadihii ku dhawaa Qubuurahaasi.

Ciidanka Booliska Degmada Cadaado oo arintani dabagal iyo baadhis ku sameeyey ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay gacanta ku soo dhigaan Hooyada Ilamaasi ay dhashay soo tuurtey.

Waxaanay ciidanka boolisku sheegeen inay talaabo ka qaadi doonaan iyada oo inta badan arintani dhacdo balse aan lagu guuleysan

Halkan Ka Daawo

COMMENTS
Latest News