Hangoolnews.com
Akhri:- Xukuumadda Somaliland Oo La Wareegtay Lacagtii Ugu Badneyd Ee Ay Ka Heshay Mashruuc Ay Dhawaan Saxeexday + Qadarka Lacagta Iyo Meesha La Geeyay
January 2, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa (Hangoolnews.com) Wasiirka wasaarada maaliyada Jamhuuriyda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan waxaa ay sitoosa ugu wareejisay masuuliyiinta baanka dhexe ee Somaliland lacag dhan shan milyan oo dollar.

Waxaana lacagtan sitoosa Somaliland u siiyay shirkada Imaaradka Carabta ee DP-World, iyada oo ay Somaliland la gashay hishiis lagu horumarinayo dekada Berbara.

Marwo Samsam Cabdi Aadan wasiirka wasaarada maaliyada oo lacagtan ku wareejisay gudoomiyaha baanka dhexe ayaa madashaasi ka hadashay waxaanay tidhi “Waxaa hishiiskii aynu la galay DP-World ee ahaa dekada Barbara, waxaa uu hishiisku ahaa marka ay dekada la wareegayaan sanadka cusub inay bixiyaan toban kun oo dollar, tobankii malyana shantii u horeysay ayay keeneen, shantii kalana imika ayay keenayaan oo waxaa ay soo mariyeen Dahabshiil, anaguna waxaanu ku wareejinaynaa baanka dhexe, lacagtaasina ay ku dhacdo Acount elevent, oo aan lacag laga saari Karo ilaa ay  Volger ku baxdo,shantana waxaa lala sugaya shanta kale markaasay dakhliga toos u galeysaa”

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

COMMENTS
Latest News