Hangoolnews.com
Manchester United Oo 145 Malyan Ku Doonysa Laba Xidig Oo Ka Ciyaara Koox Ka Dhisan Dalka Spain.
January 1, 2017 - Written by Hangool

Manchester United ayaa qorsheyneysa iney laba xidig oo muhiim ah kala soo saxiixato Atletico Madrid marka uu xagaagan dhamaado sida ay ku warantay jariiradda The Times ee England fadhigeedu yahay.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu kooxdiisa xoojiyo si ay awood ugu yeeshaan iney u dagaalamaan horyaalka EPL-ka xagaaga soo socda wuxuuna calaamadsaday labada xidig ee Antoine Griezmann iyo Saul Niguez kuwaas oo ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda ka dhisan caasimadda Spain.

Labadaan xidig ayaa dhawaan saxiixay heshiisyo cusub oo ay kooxda kula sii joogayaan muddo badan waxaana lacagaha lagu jabin karo si wadar ah heshiisyadooda lagu sheegay 145 Malyan Oo Pound.

Si kastaba Jose Mourinho ayaa isku dayi doona inuu wakiilada labadaan ciyaartoy iyo maamulka kooxda Calderon ka dhisan kala xaajoodo sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimahaas.

Ugu dambeyntiina Times  ayaa qirtay in Red Devils ay qorsheyneyso iney lasoo saxiixato afar ilaa shan ciyaartoy oo kusoo celiya heerkii sare madama tan iyo waqtigii Ferguson ay ku jirtay xaalad aan sal laheyn.

COMMENTS
Latest News