Hangoolnews.com
Dag Dag:- Masuul Sarre Oo Ka Tirsan Xukumadda Siilaanyo Oo La Xidhay + Cidda Amarka Bixisay + Halka Uu Ku Maxbuusan-Yahay
January 1, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Balli-Gubadle Ee Gobolka Howd Ayaa Sheegaya In La Xidhay Masuul Sarre Oo Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Masuulkan Ayaa Ah Isu-Duwaha Caafimaadka Ee Gobolka Maroodi-Jeex,

Waxaana La Yidhaahdaa Cabdi Xuseen “Cabdi Dheere” Waxaana Lagu Xidhay Magaaladda Balli-Gubadle,

Amarka Lagu Maxbuusay Masuulkan Ayaa Waxaa Bixiyay Badhasaabka Gobolka Howd Ibraahim Xasan.

Lama Garanayo Sababta Keentay In La Xidho Masuulkan.

Masuulkan Ayaa Ayaa Waxaa La Socday Laba Xubnood Oo Kale Oo Ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Cabdi Xuseen Ayaa Waxaa Uu Muddo Dheer Ahaa Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Ee Wasaaraddaasi.

Wali Ma Jirto Cid Ka Hadashay Xadhiga Masuulkan.

Waxii Xogo Ah Kala Soco Hangoolnews.Com

 

COMMENTS
Latest News