Hangoolnews.com
Akhriso:– Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Xukuno Kala Duwan Ku Ridey Dhalinyaro Ku Eedeysnaa Inay Shaydaan Caabud Yihiin + Magacyadooda
January 1, 2017 - Written by Hangool

Hargeysa  (Hangoolnews.com) Maxkamada degmada Hargeysa ayaa xukuno kala duwan ku riday dhalinyaro ku eedeysnaa inay diinta Islaamka ka baxeen, isla mar ahaantana ciidamada amaanku gacanta ku soo dhigeen badhtamaha sanadkii dhamaaday.

Gudoomiyaha Maxkamada degmada Hargeysa  Cabdirashiid Maxamed Xirsi Beergeel oo isagu qaadayay dacwada dhalinyaradan,ayaa xukunka dacwadani kaga dhawaaqay kal fadhigii ugu danbeeyay ee dhageysiga dacwadani.

Kaas oo qabsoomey 28/12/2016-ka waxaanu afartan eedaysane ooo kala ahaa :—

Maxamed Cumar Maxamed 20-sano jira

Fadxi Mustafe  Cumar (Carsaanyo) 20-sano jira

Waxaanu gudoomiyuhu sheegay in ay maxkamadu ku weyday eedi aheyd inay ka baxeen diiinta islaamka  oo ku xusan qodobka 314 yo 135 xeerka ciqaabta guud

Gudoomiyaha maxkamada degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi Beer-geel oo ku dhawaaqay xukunka dhalinyaradan ayaa waxaa uu yidhi “Maxkamadu waxaa ay ku qanacday in afartan eedeysane ay ku wada gafeen qodobka kafakasho xadhig sharci ah oo ku xusan qodobka 334 iyo 335 xeerka ciqaabta guud iyaga oo gaadhi kaliya oo ay wateen oo uu leeyahay eedeysane Fadxi  Mustafe Cumar Carsaanyo, maxkamadu sidoo kale waxaa ay ku qanacday eedeysanaha koobaad Maxamed Cumar Maxamed, iyo eedaysanaha sadexaad iyo maqanuhuba inay ku gafeen, xeerka xakameynta hubka ee LR-70 Public Number, 1995 qodobka 2aad oo lala akhriyo qodobka 9aad”

“Waxay heysteen labadooduba baastoolado Turki ah oo lanbarkoodu yahay  ET -131175599  iyo ET-13115233 oo ay midi ku jirto 4 xabo oo nool iyo mid ay ku jirto, 3 xab, iyaga oo wax ogolaanshiyo iyo fasaxa midna aanay ka heysan dawlada”

“Maxkamadu kumey qancin in faldanbiyeed diimeed oo khalkhal galin arimo diimeed ku xusan kuna xusan qodobka 314 iyo 335 xeerka ciqaabta guud wax diin shaydaan ah oo la caabudey inaanay jirin”/

Danbiilayaal:–

Maxamed Cumar Maxamed Sacad  ina Nimco Muxumed oo dadiisu tahay 20-sano jir

 

Fad Mustafe Cumar Carsaanyo ina Samsam Xasan oo dadiisu tahay 20-sano jir

Mubaarig Ibraahin Muxumed (Oo maqane ah)

Guuleed Cabdi Cabdilaahi Maqane ah kuna gafey qodobka 305 ee xeerka ciqaabta guud oo maxkamada horteeda kaga caddaatay waxaa ay maxkamakadu ku xukuntay min lix bilood oo xadhiga iyada oo maxkamadduna u cuskatay qodobka 124 ee xeerka ciqaabta sida uu tilmaamayo in hadii maxkamada horteeda uu danbi kaga soo ifbaxo eedaysanayaasha ay ku gafeen maxkamadu ay ku qanacdo in lagu xukumayo.

 Maxamed Cumar Muxumed Sacad iyo Mubaarig Ibraahin Muxumed oo si wada jira ugu gafey heysaho hub sharci daro ah sida ku cad qodobka LR-70 P-N 1995 loona akhriyo qodobka 9aad  waxaa lagu xukumey danbi gooni ah waxaanay maxkamadu ku xukuntay, min min 9-bilood iyo 3-milyan oo shilanka Somaliland ah.

Halka Faxdi iyo Guuleed oo maqane ahna ay ku xukuntay lix bilood oo xadhiga lana xidhiidha arintooda.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

Xigasho:- Wargeyska Saxafi

COMMENTS
Latest News