Hangoolnews.com
Akhri:– Masaajid Ku Yaala Gudaha Somaliland Oo Aan Mudo Saddex Sanadooda Lagu Tukan + Goobta Uu Ku Yaalo Iyo Sababta Keentay
January 1, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Masaajid weyn oo ku yaala gudaha Somaliland ayaan  mudo saddex sanadooda lagu tukan, masaajidkan ayaa waxaa uu ku yaala magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley.

Waxaanu masaajidkani dhinaca galbeed ka saaran yahay amase u dhaw yahay Sariibada magaaladaasi Arabsiyo.

Masaajidkan ayaa waxaa uu dhisnaa mudo saddex sanadooda, markii la dhisay ee la dhameystiray hoostiisana  la dhigey gogoshii uu u baahnaa iyo Kitaabadii, ayaa Faral daayo aan xiita salaad sunne ah lagu tukan.

Masjidkan ayaa waxaa isku qabsaday wadaado ka tirsan culima awdiinka dalkan Jamhuuriyada Somaliland.

Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta oo u xilsan dhammaanba ilaalinta, la socodka iyo ka warheynta masaajiddada dalka ayaa indhaha ka la lineysa suurta-galnimada sidii loo furi-lahaa masjidkan, aan saddexda sanadooda salaad lagu tukanin.

Masaajidkan laf ahaantiisa waxaa ka muuqda wakhti xaadirkan, dil-dilaac iyo daryeela,aan xoogan, waxaana ku caaryeystay meesha Kitaabadii iyo roogagii la dhigey maalintii farta laga qaaday ee la dhameystiray masaajidkan lana furay.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Arabsiyo iyo cidkasta oo muslin ah oo aragtaa waxaa ay aad uga wal-walsan yihiin goob loogu talo galay cibaadada Alle inuu ka laa laado quful weyni, xukuumada , shacabka, culima-aw-diinka iyo dhammaanba wax-garadka Somaliland waxa la gudboon inay dadaal u galaan, sidii xal dib loogu furo loo heli lahaa masaajidkan.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

 

 

COMMENTS
Latest News