Hangoolnews.com
Akhri:- Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex-Galay Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dawlada Hoose Ee Hargeysa + Waxa Ay Isku Hayaan + Qadarka Lacag …..
January 1, 2017 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Masuuliyiinta ugu sar sareysa dawlada hoose ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf dibada u soo if-baxay, masuuliyiintan ayaa kala ah maayirka caasimada Hargeysa iyo xughayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa.

Muranka masuuliyiintan ayaa waxaa uu ka bilaabmay lacago kala duwan oo uga yimid dhulal ay iibiyeen, taas oo uu masuul kastaaba uu doonayay, inuu ka sad-bursado ka kale, lacagtan ay isku hayaan oo dhan sideed boqol oo kun

Waxaanu khilaafka labadan masuul gaadhay halkii ugu sareysay, iyada oo labada masuulba hanjabaad iyo aflagaado, ay isweydaarasadeen.

Dhinaca kale labadan masuul ayaa waxaa ay isugu goodiyeen in mid walba bilaabi doono olole ka dhana sidii xilka looga qaadi-lahaa ka kale.

Waxaa sii badana muranka iyo khilaafka masuuliyiinta Somaliland, kuwaasi oo inta badan isku qabta shilimaadka laga soo ururiyo hooyooyinka iyo danleyda dibad-yaalka ah.

 

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

 

 

COMMENTS
Latest News