Hangoolnews.com
Xog Culus:Akhri;- Gudoomiye Ciro Oo Amar Deg Deg Ah Ku Soo Rogey Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Iyo Waxa Uu Yahay Amarku,?
December 31, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro ayaa amar deg deg ah ku soo rogey masuuliyiinta kala duwan ee xisbigaasi kuna sugan dal iyo Dibad,ba.

Amarka gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku soo rogey masuuliyiinta xisbiga ayaa ah qorshe ah in aan cid ama masuul ka tirsan xisbigu aanu wax jawaab ama hadal ah ka bixin ilaa inta isagu go,aan kale soo saarayo cidna ka jawaabin hordhaca waraysi uu Kalsan Tv la yeeshay Musharaxa Madaxwayne ee Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo sheegay in ay si rasmi ah ay Magaalada Nairoobi ugu kulmeen wafti balaadhan oo uu hogaaminaayay Gudoomiye Ciro kana wada hadleen Qorshe yaal ku saabsan sidii loo dhisi lahaa mustaqbalka Umada Soomaliyeed.

Amarka Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro oo Hangoolnews ka helay Ilo ku dhow dhow ayaa soo baxay saaka subax ka dib markii ay warbaahinta Somaliland isku dayday in ay wax ka waydiiso masuuliyiin xisbiga ka tirsan waxa ka jira arintani.

Go,aanka uu Gudoomiyaha xisbiga Waddani ku soo rogay masuuliyiinta xisbiga ayaan ahayn mid ay ka fadhiisteen gudida fulinta xisbigu sida uu xogaha ku helaayo Hangoolnews balse xogta ayaa tibaaxaysa in uu yahay go,aan ay soo wada gaadheen Gudoomiye Ciro iyo Masuuliyiin dhowr ah oo ka ag-dhow dhow inta badana lagu xanto in ay saamayn siyaasadeed ku dhex leeyihiin habsami u socodka hawlaha xisbiga Waddani.

Fadeexada doonista midnimada Somali-wayn ayaa maalmihii ugu dambeeyey hadheeyey xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani iyada oo dhawaan uun ay ahayd markii Warbaahinta ka soo baxda Dalka Kenya ay warbixin ka qortey kulan Nairobi ku dhex maray masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga waddani iyo Raysal-Wasaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke taasi oo ay masuuliyiinta xisbiga Waddani jawaab uga dhigeen in xisbiga Kulmiye uu kharash ku bixiyey sidii Warkaasi been abuurka ah looga samayn lahaa Xisbiga Waddani,

Balse waxa mar kale ay arintu qaraxday ka dib markii uu xalay baraha bulshada qabsaday muuqaal toos ah oo uu Musharax Farmaajo ku sheegaayo in ay kulmeen Waftigii Xisbiga Waddani ee dhawaan safarka ku tagay Dalka Kenya.

Hangoolnews/Staff

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News