Hangoolnews.com
Muuse Biixi Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Oo Qorshe Wiiqaya Qaranimadda Somaliland Ku Gaadhay Gobolada Barri + Waxaa Uu Daaran-Yahay + Khiyaamada Ina Xaashi
December 31, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Warar ka imanaya waftiga uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa xogaha hoose ay shaaca ka qaadayaan in Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka madaxtooyadda Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ay wadda gaadheen qorshe hoose oo wax u dhimaya dalka kaas oo ah in doorashadda madaxtooyadda Somaliland dib loo dhigo.

Maxamuud Xaashi Cabdi  oo ay hoos ka tuurmo leeyahiin musharaxa KULMIYE ayaa waxaa uu u soo bandhigay qorshe ah in doorashadda dib loo dhigo isaga oo ku guubaabiyay in dalka abaari ka jirto.

xogo hoose oo Hangoolnews ka helayo illo ku dhow-dhow waftigaasi ayaa iftiiminaya ujeedadda waftigu barri ugu baxay ee Muuse goboladaasi loo geeyay ay tahay sidii qorshahan ay wataan Maxamuud Xaashi iyo asxaabtiisa ka ag dhow Siiraanyo ay Muuse Biixi ugu qancin-lahaayeen in dalka abaari ka jiro oo loo baahan yahay in doorashadda dib loo dhigo, iyadoo loo cuskaday in beesha bariga Burco oo uu kalsooni cod ah  ka doonayo ay xiligan  ay abaaraysan tahay.

musharaxa KULMIYE ayaa markii arrinka loo la-qimay in beesha Maxamuud Xaashi xaalad adag ku jirto taasina ay keenayso haddii doorashadu xiligeeda qabsoonto in uu waayayo codad badan aq-balay soo jeedinta hoos ka tuurmadu ku jiro ee saaxiibkiisa ay siyaasadda KULMIYE isku hayaan ee wasiirka madaxtooyadda Somaliland.

todobaadyaddii ugu dambaysay ayaa waxaa soo baxayay in xulufo uu wasiirkaasi ka mid yahay ay wadaan in doorashadda dib loo riixo, wallow madaxwayne Siilaanyo sheegay in xiligeedii ay qabsoomayso codayntu.

dadka siyaasadda kulmiye taageera ayaa sheegaya haddii Muuse uu qaato fikirkan in uu farta dhexda ka qaniini-doono,

Waxii Xogo Ah Kala Soco Hangoolnews.Com

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

COMMENTS
Latest News