Hangoolnews.com
Dag Dag:- Waddaado Somaliland U Dhashay Oo Ku Hanjabay Dagaal Diimeed Dalka Ay Ka Qarxinayaa + Sh Khaliil Oo Ay U Hanjabeen + Waxay Diideen
December 31, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Waddaado U Dhashay Somaliland Ayaa Ku Hanjabay In Ay Dalka Ka Ridayaan Dagaal-Diimeed Ka Qarxi Doona Dalka Haddii Aan La Yeelin Waxay Doonayaan.

Waddaadan Oo Loogu Yeedho Timo-Wayn Fadhigooduna Yahay Magaaladda Barbara Ayaa Waxay Ay Laga Xukumay In Ay Faraha Ka Qaadaan Masjid La Ku Yaal Magaaladaasi Barbara Oo Maxkamaddu Xukuntay In Lagu Wareejiyo Masjidkaasi Dadkii Dhisay Ee Ilma Iimaan Ama Reer Yuusuf Iimaan.

Culimadan Timo-Waynta Ayaa Si Adag Ugu Biyo Diiday Go,Aankan Lagaga Saarayo Masjidka Waxaanay Dhaliil Adag U Jeediyeen Wasiirka Diin Iyo Awqaafta Somaliland, Waxaanay Ku Hanjabeen In Dalka Uu Ka Dhici-Doono Dagaal Diimeed Looga Kala Safto Gudaha  Dalka.

Waa Markii Ugu Horaysay Ee Somaliland Culimaddeed Laga Maqlo Koox Ku Hanjabaysa In Dalka Dagaal Diimeed Ka Dhacayo,

Dhinaca Kale Waxaa Laga Dharagsan Yahay In Dunidda Islaamka Ay Wakhtiga Ay Waaleed Dagaal Diimeed.

Hangoolnews.Com

COMMENTS
Latest News