Hangoolnews.com
Waa Kuma Masuulka Doonaya In Uu Noqodo Madaxwayaha Somaliland Ee Hadda Ugu Cadhada Badani + Waxyaabaha Lagaga Xanaajiyo .
December 30, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Masuulka ugu cadhada bad-naa todobaadyaddii aynu ka soo gudubnay ee u sharaxan Inuu noqdo Jagada  Madaxwaynenimo ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Caxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maalmihii u danbeeyay, waxaa ka soo if baxayay dabeecado ku cusub dhaqankiisa siyaasadeed.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa dadka siyaasadiisa indha indheeya, waxaa ay ku tilmaamaan inuu yahay , siyaasi degan oo wax kasta ku dhameeya si sulux iyo odaynimo ay ku jirto, qof aan jecleyn in uu bato buuq iyo xamaasad lagu wajahayo marxalada siyaasadeed.

.Dhawaan ayay aheyd markii Ciro sawir been abuur ah oo laga sameeyay, lagu sheegay inuu la kulmay ra,iisal wasaaraha Soomaaliya wixii intaas ka danbeeyay, xisbiga KULMIYE oo dabada ka riixaya borobagaando iyo been abuur waxaa ay dusha ka saareen xisbiga WADDANI.

Isku soo wada duuduubo masuulkii dulqaadka iyo deganaanshiyaha lahaa ayaa waxaa uu bilaabay isaga oo lagaga faa,ideysanayo xili siyaasadeedka in uu aflagaadooyin, shacabka dhagahoodu aanay baran cadho iyo waji ururin, uu gantaaladiisa ku ganac masuuliyiinta isku dhiga yihiin, waana arin ku cusub saxada siyaasadeed ee gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,dadka Ciro ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in Cabdiraxmaan Ciro siinaayo jaanis hor leh xisbiga KULMIYE hadii uu ku sii jiro, marxalada weerarka nuglaanshaha ah ee kaga imanaya xisbiga KULMIYE..

 

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

 

 

COMMENTS
Latest News