Hangoolnews.com
War Deg Dega:-Gudoomiye Ciro Oo Muuse Biixi Ku Tilmaamey Gacan Ku Dhiigle Dhaliilo Xoogan Dusha U Saarey.
December 29, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa eedaymihii ugu cuslaa usoo jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiye Ciro waxa uu si cadho leh uga jawaabay hadalo ka soo yeedhey Muuse Biixi Cabdi isaga oo Muuse ku eedeeeyey in uu yahay Gacan ku dhiigle ilaa iyo haatan Bulshada Somaliland ay xusuusato wixii uu dalka ka gaystey.

Gudomiyaha Xisbiga Waddani oo arimahaasi ka hadlaya waxa u yidhi.

“Waxay ila tahay in ay ayaan daro tahay dad ay qoyan yihiin dhibaatadii iyo hagardaamadii ay dalkan u gaysteen oo ay muuqdaan xaabalihii shacbigii la gumaadey oo khayrdiyadii Hargeysa kalahaa anigoo wa dilli kara duco qaadan maayo in ay maanta ku eedeeyaan cid Maxkamad hala soo taago,

hadii Maxkamad la soo taagayo kuwa dadka laayay waxa cad raadkii Muuse uu Jidyooyada u galay Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland qof waliba wuu ogyahay walaalayaal waxay ila tahay Muuse dadka waxa uu leeyahay dadka aakhiro ayaan u dirayaa waxa halkan jooga hawl wadeenadii xisbiga ee dhaawaca loo gaystey ee la doonayo in la bajiyo,

Markaa waxaan isleeyahay Ninbaa nin la kulmey oo Xamar gaynaya dadka waxa ka dhow malaha kaa Aakhiro dadka u diraya ee leh hala laayo isagu wuxuu leeyahay dadka hala laayo,”

Gudoomiye Cirro oo sii wada dhaliilaha uu u jeedinaayo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu sidoo kale ka waramay ujeedada safarkii buuqa badan dhaliyey ee ay dhawaan ku tageen Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxanu yidhi,

“Safarkayagaasi waxa uu safar gurmad Somaliland ah oo aan waxba ku badhxanayn wax alla wax ku badhxanaa may jirin ragii meesha maraayay Rag Somaliland looga shakiyaayo maaha Waxa marayay Maxamed Biixi Yoonis XIrsi Cali C/rissaaq Khaliif Dr Fadal iyo Madaxwayne Ku xigeenka Xisbiga iyo rag kale oo badan ayaa marayay waxay ila tahay qofna loogama shakiyaayo Somaliland taariikh horena kuma leh,

Waxay ila tahay hadii sawiro la isku maxkamadaynaayo Dee hadaba waxa ku yaalan baraha bulshadu ku xidhiidho iyo Websitayada Muuse oo la taagan Xasan Sheekh Sawir meel lagu dhajiyey waxay ila tahay isna waa la maxkamadayn hadii sawir la isku maxkamadaynaayo,”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

https://www.youtube.com/watch?v=lab9TGh8ybA

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News