Hangoolnews.com
Masuul Xil Sare Ka Haya Qaranka Somaliland Oo La Baafinaayo+Mudada Aanu Gudan Xilkii Qaran Ee Uu Hayay Waxa Uu Kaga Mashquuley.
December 29, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Mid ka mid ah sadexda masuul ee xilka ugu sareeya ka haya Qaranak Somaliland ayaa ilaa iyo mudo bil ah aan ka soo xaadirin shaqadii waajibaadka qaran ee uu u hayay Qaranka Somaliland.

Masuulkan oo ah Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ayaa aan bilihii ugu dambeeyey ka gaabiyey waajibaadkiisii shir-gudoon ee golaha wakiilada Somaliland oo uu kaga mashquulay Hawlahiisa gaarka ah ee Xisbigiisa Waddani iyo guclo orodka uu ugu jiro sidii uu u noqon lahaa Madaxwaynaha Somaliland ee doorashada la filaayo  in ay dalka ka dhaco 2017 horaantisa.

C/raxmaan Maxamed Ciro oo sida ay noo xaqiijiyeen Hawl-wadeenada Golahaasi oo ka cudur daartey in magacooda la sheego waxa aanu golaha si rasmi ah uga soo xaadirin Mudo ku dhow hal bil marka laga tago xiliyo gaar ah oo uu yimaada golaha markaasi oo uu ka leeyahay dano dhaqaaale oo gaar ah,

Iyada oo ujeedada kaliya ee uu ugu dhagsan yahay kursigaasi uu yahay safarada dibada oo uu ugu baxo Gudoomiyaha wakiilada iyo sidoo kale Dhaqaale xad dhaaf ah oo ka soo gala.

Masuulka oo xilka qaranka uu u hayo u dayacay sidii uu waliba dalka u maamuli lahaa ayaa waxa uu si joogto ah danahiisa gaarka ah ugu isticmaalaa dhaqaalaha Golaha Wakiilada iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyeyna uu takoor dhinaca shaqada ah ku sameeyey Xoghayaha guud ee Golahaasi ka dib markii uu ka baxay xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay.

Waxaanu Gudoomiye Ciro haatan si dad.ban ula shaqeeyaa xubno ka mid ah Shaqaalaha Golaha Wakiilada oo uu adeer u yahay isla markaana uu meesha ku beertey waxaanay taasi meesha ka saartey shaqadii habsami u socodkii Shaqo ee Xogahayaha Golaha Wakiiladu uu sida caadiga ah uga gudanaayay wajibaadkiisa shaqo.

C/raxmaan Ciro ayaa isagu mudooyinkii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa arinta olalaha xisbiga iyo sidii qaar ka mid ah beelaha Somaliland gacanta ugu dhigi lahaa,

Se arintani haatan ee dayaca shaqadii qaran ee uu u haayay Umada Somaliland ayaa muujinaysa aragtidiisa Hankiisa taasi oo tooshka ku ifinaysa in ujeedadiisu tahay sidii uu u gaadhi lahaa kursiga dalka ugu sareeya isaga oo haatan dayacay Shaqadii Qaran ee loo igmaday.

Hangoolnews/Sttaf

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News