Hangoolnews.com
Akhri:-Magacyada Wasiirada Xukumada Siilaanyo Ku Jira Ee Shaqaalaha Dawlada Ee Sanadka 2017 Wasaaraddaha Ay Gacanta Ku Hayaan Ka Shaqaalaysiiyey Beeshooda.
December 29, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-:-Xukumada Haatan talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwaynaha ay mudadiisu gabaabsiga ku dhow dahay ee Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa inta badan waxa ay bulshada Somaliland aamisan yihiin in ay tahay xukumadii ugu naxliga iyo Qabyaalada badnayd.

Iyada oo wasiirada haatan xilka dalka ka haya oo mid walba dhankiisa shaqaalaha dawlada ku xuso nidaam beelaysan oo sad-bursiimaha ugu badan siiya Jufada uu ka soo jeedo.

Wasiirka ilaa iyo haatan aan soo ogaanay in ay nidaam qab-yaaladaysan wax ku qaateen shaqaalaha cusub ee dawlada  sanadka 2017  iyo tirada uu wasiirka kastaa shaqaaleeyey ayaa ah

1-Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan—27 Shaqaale Dawlad ah ka soo jeeda Beesheeda Sacad Muuse Dhamaantood Waa Wasaaradda Maaliyada

2-Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi—31 Beesha Habar Jeclo una badan Muuse/Abokor haayadaha kala duwan ee dawlada.

3-Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Maxamed Cukuse—16 Ciidagale uu kala geeyey W/Xanaanada W/Warfaafinta iyo Baanka dhexe

4-Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse—9 Sacad Muuse uu kala geeyey 3 W/Ganacsiga 1 Wasaaradda Calaada ah 5 Wasaaraddiisa ah

5-Wasiirka Waxbarashada C/laahi Ibraahim Habane-11 Samaroon/B/Carfaan Dhamaan Wasaaradda Waxbarsahada ayuu ka shaqaalaysiiyey.

Dhamaanba wasiiradda kor aanu ku soo dheegnay ayaa arintani ku kacay iyada oo mudooyinkii ugu dambeeyey aanu dabagal ku haynay qaabka ay u qaadanayaan Shaqaalaha cusub ee Dawlada.

Haayada Shaqaalaha Somaliland oo iyadu arintani ku shuqul leh ayaan awood u lahayn soo celinta Magacyada Wasiirada ay u gudbiyaan in ay ka qayb noqdaan Shaqaalahooda.

Gudoomiyaha Haayadaha Shaqaalaha Somaliland oo isagu ah wiil dhalinyaro ah ayaa todobaadkii hore xilli uu u waramaayay Bbcda waxa uu sheegay in ayna jiri doonin Shaqaale Dawladeed oo nidaam beelaysan lagu qaada doono

Balse arintaasi ayaa ah mid aan wax ka jirin oo micnaheedu yahay Bulshada dhawaqa maqashii Waxna ha u qaban.

Lasoco qaybaha kale

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News