Hangoolnews.com
War:- Deg Deg:– Jamaal Cali Xuseen Oo Lacag Loo Heysto Iyo Cida U Heysata
December 28, 2016 - Written by Hangool

Hargeysa(Hangoolnews.com) Musharixi fadhiidka noqday ee xisbiga UCID laga caydhiyay, Jamaal Cali Xuseen ayaa waxaa loo heystaa lacago kala duwan oo uu si toosa iyo si toganba, uga dhacay bulshada Somaliland qaybahooda kala duwan.

Lacagahani ayaa isugu jira qaar uu dhaafsaday, hankiisi liitay ee siyaasadeed iyo kuwo uu ka amaahday, dad danyara oo is-moodsiiyay, in uu yahay Jamaal masuul lagu aamini karo lacag maalin dagaal oo uu muruq maal miskiin-ahi leeyahay.

Dhiiladan iyo fadeexadan ku soo iba baxaysa aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa waxaa daaha ay ka feydaysaa dhinaca kale inuu khiyaameeyay,dadkii ku xeernaa ee uu majaraha madaw ee siyaasada mayalkeeda u hayay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sida xogo hoose warbaahinta u xaqiijisay garabkii ka go,ay markii uu ku biirayay xisbiga KULMIYE,oo uu magacooda ku qaatay lacag cadadkeedu gaadhayo boqolaal kun oo dollarka Mareykanka ah.

Dadka falanqeeya siyaasada Jamaal Cali Xuseen ayaa lagu tilmaamaa  inuu yahay ma- gudbe, maalinba doc nin kale jooga, ama sida geedka Gabal -dayaha  maalinba meeshi cadceedu ka marto ujeesanaya.

Mar aanu wax ka weydiiney inay jirto lacagtani uu musuq maasuqey masuulkan jagada madaxweyne u sharaxnaa garabkii isbedel doonka ee ku biirey Waddani ayaa waxaa ay noo xaqiijiyeen in uu Jamaal waa sida ay hadalka u dhigeene dhaafsaday xilkoodi iyo himiladoodii qadaadiic iyo shilimaan ku danbeysay musuq maasuq iyo inuu hungureeyo lacago uu magacooda iyo taageeradooda ku soo qaaday.

Todobaadadii u danbeysay ayaa waxaa aad looga hadal hayay, goobaha ay bulshadu ku kulanto ee magaalada Hargeysa.

Hanka Jamaal Cali Xuseen, lacagta uu lunsaday, iyo sida uu ugu saaqiday siyaasadda Somaliland, taasi oo gayeysiisay inuu maalqabeen shalay uu caayay maanta gacmaha hoos hoorsado.

La Soco Xogaha Danbe Ee Aqoon-Yahan Jamaal Cali Xuseen Iyo Siyaasadiisa Siqiirtay ……………………

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

 

COMMENTS
Latest News