Hangoolnews.com
Safarka Muuse Biixi Iyo Siyaasadda Kulmiye Oo Dhalisay Kaftan Cajiiba Oo Hadheeyay Hargaysa
December 28, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Safarka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Dhaliyay Kaftan-Haasaaweed Ay Shacab Hargaysa Ay Is Waydaarsanayeen Hadday Yihiin Dadka Taageersan Muuse Biixi Siyaasaddiisa Iyo Kuwa Taabacsan Cabdiraxmaan Cirro,

Kaftanka Ayaa Ka Dhashay Ka Dib Markii Ay Soo Baxday In Muuse Burco U Tagay In Uu Ku Soo Dhaweeyo Xisbiga Kulmiye Taageerayaal U Dhashay Bariga Burco,

Waxaanay Shacabka Hargaysi Markii Ay Maqleen Arrinkaasi Labadii Maalmood Ee Ugu Dambeeyay Ku Kaftamayeen:- “Habarjeclo Goormay Kulmiye Ku Biiraysaa” Taas Oo Macnaheeda Yahay Miyaanay Markii Horeba Ahayn Muusoow.

Hangoolnew.Com

COMMENTS
Latest News