Hangoolnews.com
Deg Dag:-Ururka Dhalinayarada Somaliland Ee SONYO Oo Gudoomiye Cusub Doortey Codadka Uu Helay Cida La Tartamaysay Iyo Gobolka Uu Ka Soo Jeedo.
December 28, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Huteel Ambasador ee magaalada Hargeysa oo mudooyinkii ugu dambeeyey uu ka socday shirwaynaha dhalinyarada Ururka SONYO ahaa maanta waxa lagu doortey gudoomiyaha cusub ee hogaanka u hayn doona ururkaasi labada Sano ee soo socda.

Shirwaynaha dhalinyaradan oo ahaa kii sideedaad ayaa waxa gudoomiye loo doortey C/casiis Siciid Saalax oo cod aqlabiyad ah ku helay codadka shirwaynaha kana soo jeeda Gobolka Saaxil halka musharaxii la tartamaayeey oo lagu magacaabo C/casiis Xirsi Warsame oo ka tartamaayay Gobolka Maroodi Jeex  uu u tanaasuley Musharax ku guulaystey hogaaminta Ururka dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News