Hangoolnews.com
Dag Dag Daawo:- Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Somaliland Oo Af-Lagaadeeyay Hooyo Danyara + Sidda Uu U Bah-Dilay Iyo Masuulka Uu Yahay.
December 28, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Mid ka mid ah Wasiirada ugu tunka wayn Xukumada Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo ayaa si xun u aflagaadeeyey Hooyo Reer Hargeysa ah oo dhawaan ay warbaahinta qaarkeed soo bandhigay in Lacag la,aan dugsigii waxbarasho ee ay dhiganayeen lagaga soo saarey.

Masuulkaasi oo ah Wasiirka Waxbarashada Somaliland C/laahi Ibraahim Habane ayaa maanta xili uu ka hadlaayay xil wareejin loo sameeyey Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradaasi iyo Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradaasi dhawaan madaxwaynaha Somaliland u soo magacaabay ayaa waxa si cad aflagaado

ugula kacay Hooyo dhawaan uu caawimo gaadhsiiyey Xisbiga Waddani ka dib markii la ogaaday in lix Caruur ah oo ay dhashay lacag la,aan lagaga soo eryey Dugsi hoose dhexe oo ay wax ka barayeen gudaha Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Waxbarashada C/laahi Ibraahim Habane oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Wakhti xasaasiya oo siyaasadeed ayaa la galay arimahaasi in laga hadlo maaha oo la siyaasadeeyo maaha Caruurana la soo eryayoo KULMIYE waa kuu yidhi waa Bilaasho imikana lacag ayay ka qaadaanoo ana laba malyuun oo shilin ayaan u geeyoo waxyaabahaasi ayaa Idaacada laga sii daayay,

Haduu wax siinaayo in uu caawiyo ayay ahayd waa Masaakiine haday islaantu sidaa ku shaqaysanata dee way jiraan dad badan oo sidaa ku shaqaysta oo caruurtiibaa la iga soo eryey yidhaahda maalin walba way noo yimaadaan anagaba dee mana sheeg sheegno ee waxaan tarno ayuunbaan tarnaa Agaasimuhuna Cisho dhawayd ayuu musharkiisii ku bixiyey ku yar oo caafimaadka dhigta ana shalay oo ugu dambasay ayaa mid kale ka bixiyey imikanna midbaa I sugaysa maanu sheeg sheegnaa anagu,”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News