Hangoolnews.com
War Deg Dega Masuul Sare Oo Iska Casiley Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Magaciisa Iyo Mansabka Uu Ka Hayay Xisbiga+Waxa Sababey
December 27, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Masuul sare oo ka tiran xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa shaaciyey in uu gabi ahaanba iska casiley xisbigaasi kaasi oo ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba iska casilay Xubinimadii iyo xilkii uu ka hayay Xisbaasi.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Axmed Cilmi bare oo ahaa Xoghayihii Khayraadka Dabiiciga ah ee Xisbiga Waddani waxa uu dhaliilo kala duwan u soo jeediyey asxaabta siyaasada Somaliland uu uu ku sheegay in muxaafid iyo mucaaridba ay ku olalaynayaan qabyaalad.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaan dalka iyo sido kale sababta keentay in uu xiligan iska casilo Xisbiga Waddani.

AXmed Cilmi Bare hore waxa uu uga mid ahaa Xukumada Madaxwayne Siilaanyo isaga oo soo qabtay mansabka agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib u dajinta Bilowgii Dhismihii Xukumada Siilaanyo iyada oo xilka laga qaaday ka dib markii isaga iyo Badhasaabkii G/maroodi Jeex lagu eedeeyey in ay lunsadeen Mucaawimo loogu talo galay dad danyar ah markaas oo xilka laga qaaday xabsigana la dhigay.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News