Hangoolnews.com
Qiimaha Aad Bulshadaada Ku Leedahay Waa Mid Aan Qalinku Koobayn W/Q Wariye Saciid Cagjar
December 27, 2016 - Written by Hangool

 

Hangoolnews:- “ Tayada Noloshaadu Wax Ay Ku Xidhintahay Hadba Sida Aad U Fikirto , Sida Aad U Fikirtana Wax Ay Ku Xidhinta Tahay , Tayada Dadka Aad La Kulanto ‘

Waxaan qalinka warqada u dul dhigay si aan u muujiyo  qofka qiimaha leh ee xukumadda Madaxweyne silaanyo ku jira , ma aha amaan balse waa xaqiiqda iyo runta jirta in aad qofka ku cabirto hal-beega qiimaha uu bulshada kaga dhex muuqdo . “Umad aan hir lahayn halaag kama badbaado”

Bulsha walba oo horumar ku talaabsatay waxaa horseed u ahaa labo isir , isirka kowaad waa hoggaamiye daacad ah , kan labaadna waa hir cad oo qof walba oo bulshada ka mid ah u muuqda , bedelana hanaan-fikirkiisa oo meel dheer uga hilaacaaya . Waana halkii uu kalaha abwaan kuluu :

Waxaa haggi kara bulshada
Halaaga ka weecin kara
Hogaamiye daacadoo
Hiraal ku hagooganoo
Dulqaad iyo hiil lehoo
Dhamaan ay ku soo hirtaan .

Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Waa Wasiiru dawlaha Wasaaradda Beeraha Somaliland Waxa uu hore uga noqday xukumadda Madaxweyne Silaanyo Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaha arrimaha bulshada iyo Warfaafinta oo ay Mahadiyeen hawl wadeenada wasaaradahaasi .

“ Waxa aan u aqaan hoggaamiye naxariis badan oo ka war haya shaqalihiisa , halka ay madaxda kale inta badan ku mashquulsan yihiin danahooda gaarka isagu waxa uu ku mashquulsan yahay danta qaranka iyo tan shacabka “. Xamse Xuseen .shaqaale Wasaaradda arrimaha bulshada

Waa Masuulka keliya ee looga maarmi waayay danaha qaranka ee uu madaxweynuhu dib u soo magacaabay ka dib markii uu isga casilay xilkii hore ee uu hayay isaga oo ka mid ahaa wasiiro tiro badan oo mar qudha iska wada casilay xukumadda madaxweyne Silaanyo, Soomaalidu waxa tidhaahda tagtayee yaa ku tebay, ama hebel waa la tebay , halkaa wax aynu ka garan karnaa in labadaas sife uu u dhexeeyo farqi wayn oo muujinaaya miisaanka uu qof kastaa ku leeyahay bulshadiisu sida uu yahay,

“Runtii anigu aqoon fiican uma lihi balse waxa aan la yaabay markii ay Xirsi iyo xertii uu watay ee uu ka midka ahaa ay is casileen, waa shakhsiga keliya ee laga daba tegay , qof aan qiimo lahayna lagama daba tago” Abubakar Sidiiq Maxamed Wiil dhalinayarada reer Hargeysa ka mid ah.

Ibnu Khalduun wuxuu ka yidhi Tilmaamaha Khaliifada (Hogaamiyaha) muslimiinta inuu noqdo “ mid saaxiib u ah Cilmi iyo cadaalad, mid dhamaystiran oo lixdiisa lixaad iyo dareemadiisu ay bad qabaan” Waxaa marag ma doon ah in Masuul Cabdiwaaxid  Cabdiqaadir  Cabdiraxmaan uu yahay Shakhsi Cibaadada, Cilmiga iyo Cadaalada  u saaxiib ah.

 

Hoggaamiyuhu Ma aha madaxweynaha ama qofka idinku daraja sareeya, balse waa kan lagu daydo. Ma aha qofka koox ahaan idinku mushahar badan, balse waa ka nolosha adag  u badheedha.

Ma aha qofka idinku gaadhi qurxoon  ama idinku qasri weyn, balse waa adeegaha bulshada. Ma aha qofka nafsadiisa ama nafsadeeda horumariya, balse waa kan horumariya kuwa kale. Ma ah maareeye, balse waa curiye, ma aha qaate, balse waa bixiye. Ma aha hadlaa afminshaar ah, balse waa dhagayste.

 

Isbedel ku waxaa uu ka unkamaa maanka markaas baa hanaan fikirka iyo qofku isbedelaa , Odhaah murtiyeed baa odhanaysa “ Tayada Noloshaadu Wax Ay Ku Xidhintahay Hadba Sida Aad U Fikirto , Sida Aad U Fikirtana Wax Ay Ku Xidhinta Tahay , Tayada Dadka Aad La Kulanto ‘ Waxqabadkaaga Iyo Wax Tar Kaagu Waxaa Uu La Mug Yahay Hadba Sida Aad U Fikirto.

Tusmo Iyo Tusaalaa
Hadal Lagu Tibaxaa
Turxaan Looga Bixiya !!

 

Gabagabo waxaa cad in Wasiir Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan uu Alle kor ahaayee ku galaday iimaan kaas  oo sabab u ah Naxariistiisa iyo dadnimadiisa

 

 

W/Q : Saxafi Saciid Faarax Cagjar

Hargeysa

Saciidm66@gmail.com

COMMENTS
Latest News