Hangoolnews.com
Muuse Biixi Iyo Axmed Muumin Seed Oo Si Hoose Gacanta Iskugu Dhiibay Iyo Waxyaabaha Ay Ku Heshiin + Farxadda Garabka Seed + Gun-La,Aanta Hadalka
December 27, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Kooxda La Baxday Garabka Toosinta Xisbiga Waddani Ee Guddoomiyaha U Yahay Axmed Muumin Seed Ayaa Wadda Hal La Furtay Xisbiga Kulmiye.

Kooxdan Ayaa Sidda Xogo Hoose Sheegayaa Waxaa Loo lulay Balag Aan Meel Uu Ka Baxayo Aanay Aqoon.

Waxaana Loo Sheegay In La Dhaafsan Doono Ku Soo Biiristooda Xilal Dowladeed In Loo Celiyo Waxoogaa Qarasha Iyo In Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Ay Masab Iyo Magac Ku Lahaan Doonaan Kuna Aar-Goostaan.

Ma Aha Markii Ugu Horaysay Ee Ay Kulmaan Labada Dhinac Ee Kulmiye Iyo Kooxda Axmed Muumin Seed Ee Laga Firdhiyay Xisbiga Waddani,

Axmed Muumin Seed Ayaa U Muuqda In Uu Wakhtigan Uu U Baahan Yahay In Uu La Saaxiibo Kulmiye Iyo Xukumaddiisa Si Uu Ugu Dhaleeceeyo Xisbigii Uu Shalay Ka Gami Lahaa Horumarkii Ku Amaano Xisbigii Uu Shalay Boobka Iyo Dhaca Uu Astaanta Ugu Dhigay,

Isku Soo Wadda Duuboo Muusaha Kulmiye Ayaa Waxaa Uu Bilaabay In Uu Dadka Uu U Arko In Ay Taageero Ku Helayo In Uu Ugu Yabooho Lacag Ama Xil, Si Uu  U Soo Galo Xayndaabka Kulmiye.

Lama Saadaalin Karo Xaddiga Lacageed Ee Loo Celinayo Ama La Siinayo Axmed Muumin Seed Iyo Kooxda Uu Horkacayo Iyo Waliba Masabka Xileed Ee Uu Wadda-Hadalkani U Goyn-Doono.

Dhinaca kale muuse iyo seed ayaa si gooni ah u kulmay waxaanay wadda galeen heshiis hoose sidda xogahu ay tibaaxayaan,

Seed Ayaa Waxaa Uu Ku Faraxsan Yahay In Uu Heshiis La Galo Kulmiye Balse Dadka Siyaasadda Indha-Indheeya Ayaa Aaminsan In Uu Axmed Muumin Seed Gudaha U Galyo Xerro Bahal Ku Jiro,

Waxii Xogo Ah Kala Soco Hangoolnews

COMMENTS
Latest News