Hangoolnews.com
Akhri:-Xadiga Qadar Lacageed Oo Xukumada Somaliland Gacanta Loo Soo Galiyey Looguna Talo Galay Meel Marinta Mashruuc Khatar Ku Ah Qaranka Iyo Cida Lacagtaasi Bixisey.
December 27, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-Mudooyinkii ugu dambeeyey waxa warbaahinta kala duwan ee ka soo baxa wadamada Khaliijka Carabta iyo kuwa gudaha Somaliland ay si wayn u qaadaa dhigayeen heshiis qarsoodi ah oo xukumada Somaliland ay dawlada Imaaraatka carabta ugu saxeexday in ay Magaalada Barbera ka samaystaan saldhig Milatari oo wayn,

Inkasta oo xukumada somaliland oo arintani ka hadashay ay waxba kama jiraan ku tilmaamtey Wararkaasi hadana waxa mudooyinkii ugu dambeeyey si cad u soo shaac baxay in uu jiro heshiiskaasi iyada oo haatan Xukumadu ku mashquulsan tahay sidii golayaasha qaranka ay u soo hor dhigi lahayd meel marinta heshiiska sidii loo siin lahaa Emarateka Madaarka Berbera si ay halkaasi uga dhistaan Saldhig Milatari

Hadaba Warbaahinta Hangoolnews ayaa xogo u dhoon daloola arintani oo aan ka helnay warkan ayaa tibaaxaya in Dawlada Imaaraatka Carabtu ay Safiirka Somaliland u fadhiya Dalkeeda ahna wiilka Sodoga u ah Madaxwayne Siilaanyo Baashe Cawil ay gacanta ka soo galiyeen Xadig Lacageed oo dhan 5 Milyan oo doolarka Maraykanka ah looguna talo galay in lagu fangareeyo meel marinta heshiiskan ay ku doonayaan in ay saldhiga Milatari kaga samaystaan Madaarka Magaalada Berbera.

Xadiga lacagtan ayaa waxa dhawaan dalka soo gaadhsiiyey Safiir Baashe Cawil iyada oo la filaayo in dhawaan Madaxwaynaha Somaliland u golaha Wakiilada u soo gudbiyo meel marinta heshiiska,iyada oo lacagta intaas leeg loogu talo galay in xildhibaanad jeebka loogu shubo si ayna caqabad ugu noqon heshiiska iyo sidoo kale in lacagta qaybtooda laga gaadhsiiyo cid kasta oo ay arintani khusayso si ayna muran u dhalin sidii heshiiskii dekeda lagu wareejiyey oo ad loogu murmay.

Xogta uu Hangoolnews Heley ayaa sidoo kale intaas ku daraysa in Dawlada Imaaraatka carabtu ay Safiirka iyo qayska Madaxtooyada u balan qaaday hadii ay ku guulaystaan heshiiska in ay ka soo ansixiyaan Golaha Wakiilada Lacag aad u badan oo abaal marin ah iyo sidoo kale in ay Magaalada Dubai uga dhisaan Qoyska Madaxwaynaha dhisme yaal nooca raaxada ah.

Wareejinta madaarka Berbera iyo damaca Imaaraatku ku doonayo in uu ka samaysto Saldhig ayaa waxa aad uga dayrinaaya Asxaabta Mucaaridka Somaliland iyo sidoo kale dadka indha indheeya Siyaasada geeska kuwaasi oo ku tilmaamay hadiiba ay suuro gal noqoto in Xukumadu meel mariso heshiiska inay Somaliland ku furi doonto Guluf colaadeed oo ka dhan ah in ay meesha ka baxaan dalal badan oo ay ka mid tahay Itoobiya oo xidhiidh dhow la leh Somaliland iyo in ay sidoo kale hormuud u noqoto Weerarada Xulafada u hogaamiyo Sucuudigu ay ku hayaan dalka Yemen,

Taas oo bedelkeeda noqonaysa in ay noqoto Somaliland marin ay isku hirdiyaan dalalka badan ee qarnigan 21 aad isku haya awoodaha dhinaca Dhaqaalaha iyo ciidanka ay dalalka aduunku la kala safan yihiin arintaasi oo Qarankan curdinka ah een aqoonsiga caalamiga ah ka haysan beesha caalamka iyo dalalka daris la ah ku keenaysa dhib u dhac dhinaca horumarinta iyo kobaca dhaqaalaha ah.

Hangoolnews/Staff

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News