Hangoolnews.com
XISBIYO QARAN MISE XISBIYO……………………..?
December 26, 2016 - Written by Hangool

• Hayaay iyo tollaay raganniman kaga habsaanteene

• Waa waxa halka idin dhigaye la hinqan weydeene
• Hifaadh iyo waxay kugu tartaan waa huq iyo ciile
• Anuunbaa u hanqanayee wanaag uma hilowdaane
• Habar habarta loo kale baxey tiro hiririgtii yeedhay
• Harqadii gidaaradda la suday dumarkii heesaayay
• Hadaf ba dhisamah barlamaan loo hubayn jiraye
• Hadbana shicibku caynkuu yahay ba lagu hogganshaaye
• Hannkii wax lagu dooran jiray weli ma haysaane
• Duulkii habaar qaba jinbaa haamankuu lula e
• Nin qabyaallad heensaynayaa guul mahaybsado e
• Bahashii khalquga heemisay baa loo hadoodilaye
• Anuunba u hanganaye wanaag uma hilowdeene……Abwaan Abdilahi Suldan(Tima-cadde) IHN.

Xisbi qaran markad maqasho markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaya sawir fiican oo ah xisbi la wada leeyahay,xisbi leh barnaamijyo iyo siyaasado cad cad,xisbi leh hadafyo waaweyn,horumar,sinaan & cadaalad lakiin haddii aad hoos ugu yar dhaadhacdo una yar fiir fiirsato waxaad ogaan in waxas waxba ka jirin ee ay yihiin xisbiyo sida aad moodayso si aan ahayn u jira una samaysan in ay fuliyan dano reero leeyihiin kaaga sii darane ma waxad aragtay xisbi la leeyahay reer hebel iyo reer hebel ayaa wada leh, kan kalana reer hebel ba leh iyo waliba qaar shakhsiyad kaliya dambaaban sida dukaamada. Waa xisbiyo u jira dano gaar ah iyo dad gaar ah, dadka kalana u jilaya film qurxoon oo leh qaybo waaweyn Ictiraaf raadinta Somaliland,Shaqo abuurka dhalinyaradda,Gaajo la dirirka,barwaaqaynta iyo akhtaraynta dhulka waad yaabi, mar hadduu Lillaahida ka baxo waa lisaan jaban.
Qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta ay ururada siyaasaddu ka dhex abuureen bulshada, waxay u horseeday dadweynihii in ku dhaco tafaraaruq,is aamin la’aan, waxa kala jiidasho iyo hantidii ummadda oo la xalaashado iyo iska horimaayo dhinac bulshada ah oo salka ku haya eex iyo qof jeclaysi.
Uruda Somaliland ka jira waxay ku guul daraysteen inay jeexaan qorshe wax ku ool ah oo dalka lagu hormariyo si ay u hantaan taageerda shacbiga kaliya waxay dhiirigeliyeen Qabyaallada iyo kala qaybinta dadka, Waxay horseed ka yihiin in ummadii dhammayd u kala baxdo qabiil qabiil taasina ay abuurtay in ummadii isku aragtiyaha siyaasadeed ahaa midiba dhinac u kaco oo xubin kastaba ay ku dabo faysho xisbi reerkoodu dhistay.
Waxa la yidhahda taariikhda ururada lagu suntay qabiil wuxuu heerkii ugu sareeyay gaadhay sannadkii 1969kii,markas oo ururo badan oo tiro beelay la sameeyay kuwas oo lagu qiyaaso dhawr iyo lixdan urur,hargeysa oo kaliya waxa laga sameeyay 13 urur, waxa jaahwareer ku dhacay dadweynahii,qabyaaladdiina aad aya u dhex milantay maamulkii dawladda.
Abwaankii weyna ee Timacadde aya isaga oo ka xun guul darrada ku dhacday dadweynaha iyo axsaabta ku suntan qabyaallada,wuxuu tiriyay gabay kuna cambaareeyay hadaf la’aanta axsaabta siyaasada wuxuuna yidhi:-
Hayaay iyo tollaay raganniman kaga habsaanteene
Waa waxa halka idin dhigaye la hinqan weydeene
Hifaadh iyo waxay kugu tartaan waa huq iyo ciile
Anuunbaa u hanqanayee wanaag uma hilowdaane
Habar habrta loo kale baxey tiro hiririgtii yeedhay
Harqadii gidaaradda la suday dumarkii heesaayay
Hadaf ba dhisamah barlamaan loo hubayn jiraye
Hadbana shicibku caynkuu yahay ba lagu hogganshaaye
Hannkii wax lagu dooran jiray weli ma haysaane
Duulkii habaar qaba jinbaa haamankuu lula e
Nin qabyaallad heensaynayaa guul mahaybsado e
Bahashii khalquga heemisay baa loo hadoodilaye
Anuunba u hanganaye wanaag uma hilowdeene.

Heerka qabyaalada,eexda,qof jeclaysiga,musuqa iyo boobka dalku maraya waa heer niyad jabisay dadweynihii Somaliland meel ay jooganba.
Allahayoow sidii roon.

W/Q:Abdinajah Ismail Abdi

COMMENTS
Latest News