Hangoolnews.com
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Boqolaal Gaadhi Kuwa Raaxada Ah Ku Bixiyey Hantida Umada Iyo Cida Uu Ugu Talo Galay.
December 26, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa dhalinyaro tiro badan oo ka soo jeeda beeshiisa kuwaasi haatan ka soo hor jeeda siyaasadiisa,

Dhalinyaradan tirada ka soo jeeda beesha bariga Burco ayaa intooda badan ka soo hor jeeda siyaasada Wasiir Xaashi iyada oo taa bedelkeeda ay taageero u yihiin Wasiirkii hore e Madaxtooyada haatana ah Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan,

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaa sidii uu dhankiisa gacanta ugu dhigi lahaa dhalinyaradaasi ka hor timi siyaasadiisa waxaana sida xogo hoose uu uu helaayo Hangoolnews ay sheegayaan in Wasiirku qorsheeyey gaadiid nooca raaxada ah oo uu ugu talo galay in uu siiyo dhalinyaro kor u dhaaftey boqol si ay dhankiisa garab ugu siiyaan sidii ay u taageeri lahaayeen siyaasadiisa iyo Xukumada Kulmiye.

Xogaha ayaa intaas ku daraya in sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland uu u balan qaaday qaar ka mid ah dhalinyaradaasi oo uu la kulmay in uu siin doono Shaqooyin muhiim ah sanadkan cusub ee bilaabmaya.

Gaadiidkan uu u balan qaaday dhalinayaradan ayaa ilaa iyo haatan inta xoguhu sheegayaan ay tiradoodu kor u dhaaftey Boqol iyada oo lacagta intaas leeg uu qorshaynaayo Wasiirku in uu ka bixiyo lacagta Umadda ee haatan u baahan gurmadka abaaraha.

Lasoco dhawaan xogo dheeraad ah oo ku saabsan arintani

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News