Hangoolnews.com
Jose Mourinho Oo Markale Weerar Ku Qaaday Arsene Wenger Kadib Markii Macalin Ka Arsenal Ka Badbaadi Ganaax
December 26, 2016 - Written by Jumcale Gurey

Jose Mourinho ayaa sheegay Arsene Wenger aanan loola dhaqmin sida isaga ay ula dhaqmaan xiriirka kubada cagta ingiriiska ee FA wuxuuna macalinka Manchester United oo hadal iyo caag darbeyn labo jeer loo ganaaxay uu sheegay in hadii uu isaga dhihi lahaa erayadii uu Wenger yiri kadib kulankii City la ganaaxi lahaa.

Mourinho ayaa lagu ganaaxay markuu yiri “Garsooraha cadaadis ayaa ku fuuli doono hadalada hordhaca ah ee eeda hada loo soo jeedinayo” waxaana lagu ganaaxay hal kulan iyo lacag laakin Wenger ayaana xitaa dacwa loogu soo oogin inuu yiri “Garsooreyaasha waxaa loo ilaaliyaa sida libaaxyo ku jiro xerada xayawaanaadka, qaladaad cadcad ayeey galaan cidna kalama hadasho”. ‘”Lama yaabani inaan isaga la ganaaxin anigana la i ganaaxo” ayuu yiri Mourinho oo marka h–e weerar ku qaadayya FA ga ingiriiska wuxuuna ku daray “Intaas ka badan ma dhihi karo hada, ma doonaya in la i ganaaxo, markaan eegay erayadiisa, wax dhibaato ah ma uusan sameynin, hadii aan aniga intaas dhao waa dhibaato”.

 

Mourinho ayaa markaasi ka daib weerar toos ah ku qaaday Wenger wuxuuna yiri “Dad waxaa jira neceb nolosha dadka kale, xitaa ma ahan kaliya kubada, waxay neceb yihiin xitaa nolosha caadiga ah ee dadka, aniga nuucaas laakin dad nuucaas ah ayaa buuxa, ma jecli in dadka kale ay dhibaati galaan, aniga kama hadlayo macalin kaas, laakin mua faraxsani dhaqankooda (xirirka kubada cagta ingiriiska).

United ayaa galabta wajaheysa Sunderland kulan ka dhacay Old Trafford waana markii ugu horeysay ee David Moyes uu ku soo laabto garoonkaas tan iyo markii la ceyriyay bishii April 2014.

 

COMMENTS
Latest News