Hangoolnews.com
Deg Deg Axmed Muumin Seed Oo Ka Hadlay Kulan La Sheegay In Ay Shalay Galab Wada Qaateen C/Raxmaan Ciro.
December 26, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Axmed Muumin Seed Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani ahna gudoomiyaha garabka toosinta iyo cadaallada ee xisbigaasi waxa uu waxba kama jiraan ku tilamaamay wararka sheegaya in uu kulan shalay galab magaalada Hargeysa kula qaatay gudoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro oo ay hore iskugu seegeen shirwaynihii lagu dooranaayay musharaxiinta xisbiga.

Axmed Muumin Seed oo Qoraal uu arintaasi kaga jawaabayay ku soo qorey barta uu ku leeyahay Facebuuga ayaa waxa uu ku beeniyey Wararkaasi saaka laga baahiyey.

“ASC dhamaan Shacabka reer somaliland meel kasta ood joogtaan, waxan jecelahay inaan idiin xaqiijiyo Warar social media gaar ahaan Facebook ga uu ku Soo Qoray wiil yar oo Abdi rahman ciro Adeer u yahay oo la yidhaahdo khadar guruje oo been abuuray kulan na dhex maray aniga iyo ciro,

 Shacabka iyo Taageerayaashayda waxan ku wargalinayaa in warkaasi aanu sal iyo Raad lahayn. Aniga iyo ciro Waxa na iskugu kaayo Danbaysay maalintii Gacanta munaafaqnimada tilmaamaysay uu ii taagay, mabaadiida Siyaasiga ahna Waanu ku kala fognahay , Waayo anigu ma aan Aqbali Kari waxyaabo lidi ku ah qarnimada somaliland oo bariyihii ugu danbeeyey aad ugu badnaa xisbigii wadani. Waxan leeyahay waxaasi idinka iibsami maayaan cadceed Soo baxdayna cidna farteeda ku qarin mayso,”

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News