Hangoolnews.com
War:- Deg Dega:- Dilka Masuuliyiinta Boosaaso Oo Tus-bax Furtay Noqday Iyo Masuulkii Saddexaad Oo Imika La Toogtay + Halka Lagu Diley + Magaciisa Iyo Hawsha Uu Qaranka U Hayay
December 25, 2016 - Written by Hangool

Boosaaso (Hangoolnews.com) Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi raajucuun Alle haw naxariiste waxaa goor dhaweyd lagu diley gudaha magaalada Boosaaso, ee caasimada gobolka Bari, Marxuun Cabdikariin Xasan Firdhiye Hoore xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland.

waxaana dilka xeer ilaaliyahani uu ka dhacay Hutel Bootaan ee magaalada Boosaaso, sida ay dad goob joogayaal ahi u sheegeen warbaahinta waxaa dilka ninkani fuliyey laba nin oo ku hubeysnaa Baastoolado,iyaga oo madaxa kaga dhuftay rasaas ka dib markii u dhintayna meesha isaga baxsaday.

Ciidanka amaanka ayaan bilaabay hawl gal lagu baadi goobayo nimankii geystay dilka xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada.

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Boosaaso /Offic

COMMENTS
Latest News