Hangoolnews.com
Madaxwaynahii Hore Ee Somaliland Daahir Riyaale Oo Xidhiidh Hoose La Leh Mid Ka Mida Xisbiyadda Dalka Iyo Ka Uu Yahay + Heshiis Cusub
December 25, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Madaxwaynahii Hore Ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin Ayaa Xogo Hoose Oo Hangoolnews Uu Helay Ay  Sheegayaan In Uu Si Hoose Ula Shaqeeyo Una Taageersan Yahay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadddani Mudane Riyaale,

Waxaana Xogahani Ay Tibaaxayaan In Xidhiidh Qarsoodi Ah Oo Ka Dhexeeya Mudane Daahir Iyo Xisbiga Waddani Uu Jiro.

Dhinaca Kale Ayaa Xidhiidhka Waxaa Bud-Dhig U Ah Heshiis Qabiileed Ka Dhexeeyay Beesha Daahir Riyaale Ee “Jibriil Yoonis Iyo Habar Yoonis” Kuwaas Oo Is Bahaystay Markii Daahir Madaxwaynaha Ahaa.

Wali Si Cad Looma Shaacin Xidhiidhka Ka Dhexeeya Waddani Iyo Daahir Riyaale Waxaan Xogta Hangoolnews Uu Helayaa Ay Tibaaxaysaa In Uu Madaxwayne Riyaale Codsaday In Aan Cidna La Dareensiin Xidhiidhkan Hoose Ee Uu ahaado Qarsoodi Illaa Iyo Inta Laga Shaacinayo.

Xisbiga Waddani Ee Mucaaridka Ah Ayaa Bilihii U Dambeeyay Ku Jiray Olole Hoose Oo Uu Ku Hananayo Shucuurta Siyaasiyiin Miisaan Ku Leh Bushadda Dhexdeeda

Geesta Kale Waxaa La Filayaa In Dib Loo Soo Cusboonaysiiyo Heshiiskaas Hore Waa La Rumeeyo Arrin Ay Ku Ogaayeen Waa Sidda Lays Dhaafsadaye

Kal Soco Waxii Xog Ah Hangoolnews.Co

COMMENTS
Latest News