Hangoolnews.com
Diyaarad Sidey 92-Qof Oo Ku Bur Burtay Meel Ku Dhaw Badda Madow Xili Ay Kusii Jeeday Dalka Siiriya Iyo Dalka Laga Lahaa.
December 25, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Diyaarad Milatari ay leedahay Dowlada Ruushka kuna sii jeeday dalka Siiriya ayaa ku bur burtay meel ku dhaw Badda Madow xili ay Diyaaradaasi ka duushay garoon kuyaala magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Sida ay baahinayaan Warbaahinta dalka Ruushka diyaaradan ayaa siday 92-qof oo u badnaa koox shaqaale adeegayaal ah oo katirsanaa Milatariga Dowlada Ruushka, waxaana Diyaaradan bur burtay ay kusii jeeday gobolka Latakia ee dalka Siiriya.

Wasaarada Gaashanadhiga Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad milatari oo nuuceedu ahaa Tu-154 ay ku bur burtay meel 1.5 Km u jirta xeebta badda badow ee magaalada Sochi, diyaaradan ayaana inta aysan bur burin ka hor hawada laga waayay mudo 20-daqiiqo.

Diyaarada bur burtay ee lahaayeen Milatariga Ruuska ayaa waday dad doonayay in damaashaadka sanadka cusub kusoo gutaan gobolka Latakia ee dalka Siiriya, waxaana halka lagu arkay bur burka diyaarada loo diray kooxo gurmad ah.

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News