Hangoolnews.com
Ciidanka Milatariga Somaliland Iyo Maleeshiyo Dagaal Dhexmaray + Tiradda Dhaawaca + Goobta Iyo Waxaa Layku Khilaafay
December 25, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-  Wararka Naga Soo Gaadhaya Magaalada Laascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool Ayaa Sheegaya In Iska Hor Imaad Khasaare Sababay Uu Dooxada Tifafle Ee Deegaanka Can-Jiid Ee Gobolka Sool Uu Ku Dhex Maray Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Goobtaasi Ku Sugan Iyo Maleeshiyo Beeleed Hubaysan Oo Deegaankaasi Ka soo Jeeda.

Iska Hor Imaadkan Ayaa Sababay Sida Xogo Lagu Kalsoon Yahay Noo Sheegeen Kadib Markii Muran Ka Dhashay Riig Biyood Ay Wasaaradda Biyaha Somaliland Ka Hirgalinayso Deegaankaasi,Taas Oo Ay Dadka Deegaankani Kasoo Hor Jeesteen Isla Markaana Ay Goobtaasi Ka Unkameen Maleeshiyo Beeleed Hubaysan Oo Ka soo Hor Jeeda Hirgalinta Riig Biyoodkani.

Waxaana Ay Xoguhu Noo Sheegeen In Maleeshiyaadkani Ay Weerarka Kusoo Horeeyeeen Isla Markaana Ay Rasaas Ku soo Fureen Ciidamada Qaranka Ee Goobtaasi Ku Sugnaa Halkaas Oo Ay Ciidamaduna Iska Difaaceen,Waxaana Iska Hor Imaadkaa Ka Dhashay Sida Naloo Sheegay Dhaawaca Saddex Qof .

Wararka Shabakada Ramaasnews Soo Gaadhaya Ayaa Waxay Intaa Ku Darayaan In Ciidamadu Ay Qabqabteen Xubno Kamid Ah Maleeshiyaadkan Soo Weeraray,Waxaana Amaanka Deegaanka Can-Jiid Ee Gobolka Sool Iyo Goobta Rig Biyoodka Laga Hirgalinayaba La Wareegay Ciidamada Qaranka Somaliland.

Gabagabadiina Xaalada Guud Ee Deegaankaasi Ayaa Hadda Ah Mid Dagan.

Weerarkan Ayaa Dhacay Shalay Galinkii Hore

 

Hangoolnews.com

Source Ramaasnews@Gmail.Com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News