Hangoolnews.com
Akhri Magacyada Iyo Qabiilada Xildhibaanada Matalaya Beelaha Somaliland Ee Maanta Lagu Doortey Muqdisho Iyo Masuul Xil Culus Ka Haya Somaliland Oo Walaalkii Ku Jiro.
December 25, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Wali waxa magaalada Caasimada u ah Somaliya ee Muqdisho si habsami ah uga socota doorashada Xildhibaanada Xubnaha Aqalka hoose ee ka soo jeeda Beelaha Somaliland.

Maanta waxa mar kale la doortey afar ka mid ah xildhibaanadaasi kuwaasi oo qayb ka noqon doono xildhibaanada matalayaa beelaha kala duwan ee dega gobolada Somaliland.

Xildhibaanada Maanta ka doortey ayaa waxa ku jira gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Farxaan Xaaji Cali walaalkii Cabdalla Xaaji Cali kaasi oo hore xildhibaan uga ahaa Somaliya haatana dib loogu doortey in uu noqdo mar kale xildhibaan.

1-Cabdalla Xaaji Cali—————-(Habar Awal/ Ciise Muuse/Max,ed Ciise)

2-C/raxmaan Iideen Yoonis——–(Habar Awal/ Sacad Muuse Makaahiil)

3-Sahra Yuusuf Cige—————–(Habar Awal/Sacad Muuse/Cabdalla Abokor)

4-Faadumo Odowaa Raage———(Habar Awal/Ciise Muuse/Aadan Ciise).

Wali waxa socda Doorashada xildhibaanad aqalka Hoose ee Somaliya gaar ahaan xildhibaanada matalaya beelaha Somaliland iyada oo la filaayo in todobaadkan lasoo gabo gabeeyo doorashada xubnaha aqalka hoose si loogu gudbo doorashada xubnaha aqalka sare ee Somaliya oo haatan tiradooda laga dhigay 15 mudane halka markii hore ay ka ahaayeen 11 xildhibaan dhamaan beelaha dega Somaliland.

Hangoolnews.com

Muqdisho/Office

Hangoolnews@gmail.com

COMMENTS
Latest News