|
|||||
Hangoolnews.com
Akhri:– Kulan Xasaasiya Oo Dhex-maray Garabka Toosinta Wadani Iyo Xisbiga Kulmiye + Waxaa Ay Ka Wada Hadleen
December 25, 2016 - Written by HangoolHargeysa(Hangoolnews.com) Garabka Toosinta iyo caddaalada ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa wadal toosa maanta la furay xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE. Wada hadalkan oo ahaa mid ay kala hogaaminayeen labada masuul ee Axmed Muumin Seed iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa ku soo dhamaaday jawi guul iyo is af-garasho ah.
Dhanka kale waxaa garabka xisbiga KULMIYE u Hadley gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi sheegayna inay soo dhaweynayaan garabkani ka soo go;ay xisbiga WADDANI waxaanu yidhi “Anagu hadii aanu KULMIYE nahay shirkani aanu idiinla nimid waxaanu idinku nimid niyad wanaagsan, waxaananu la nimid xaashi cad, go’aanka-yaga danbana waxaa uu yahay wax Alle iyo wixii aynu isku raaci kareyno, ee dalkeena u dana ee qaranimada Somaliland u dana, ayaa naga diyaara, waananu og nahay inaad tihiin ragi iyo hablihii WADDANI soo dhisay , ee Ilaahay shirqoolka ka badbaadiyay, waanu idiin baahanahay dalka idiin baahan” Hangoolnews.com Hargeysa/Office
COMMENTS
|
Latest News
|