Hangoolnews.com
Akhri:– Arinkani Waa Dhaqan Xun Waananu Ka Dagaalameynaa, Waxaanan Leeyahay ……”Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi
December 25, 2016 - Written by Hangool

Hargeysa(Hangoolnews.com) Gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweyne ee xisbigaasi mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka Hadley tuhunka xisbiga WADDANI ee Soomaaliweyn.

Geesta kale waxaa uu ka hadlay weeraro ku cusub dhaqanka siyaasada Somaliland oo xisbiga WADDANI ku eedeeyay KULMIYE.

 

Gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweyne ee xisbigaasi mudane Muuse Biixi Cabdi  isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxyaabaha ay warbaahinta caalamka ee kala gadisani ay qortay waa dhiilo ku soo korodhay Somaliland, waana arin xisbi iyo gudoomiye xisbi midna aan hore uga dhicin inta Somaliland ay jirtay,wey jireen askhaas siyaasi oo iskood intay u tagaan soo noqda, oo imikaba jooga  hogaana u ahaa xisbigii UDUB iyo kan WADDANI-ba, laakiin gudoomiye xisbi iyo gudidii fulinta oo 12-na oo shir la gala Koonfur,oo waliba ka hadla waanu midoobeynaa, oo waliba si dhuumasho ah ugala, oo marageedina kaa la hayo yahay, waa dhiilo ku soo korodhay jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland iyo habkii iyo hanaankii aynu u soconey ee qaranimadeeni”

Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray “Qaranka Somaliland oo dhamina u baahan yahay in si qaranimo leh loo eego, gudoomiyaha xisbiga WADDANI ahna gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland ahna ninka saddexaad ee wadanka baratakoolka ku leh, ka socon meyso waa sawiro leysu geegeeyay, iyo KULMIYE-ayaa KULMIYE-na Jaraa,idka Star ma soo saaro, nayroobina Jaraa,id iyo xarun kuma lihin, Somaliland-tana IlAAHAY-ba wata khiyaamo kasta iyo shirqoolkasta oo loogalo Ilaahayba khashifiya, waana niyad wanaaga iyo halganka iyo adkeysiga, umada Somaliland”

Hangoolnews.com

Hangoolnews@gmail.com

Hargeysa/Office

COMMENTS
Latest News