Hangoolnews.com
Daawo:-Ismaaciil Buubaa Oo Hadal Shaki Badan Dhaliyey Ka Jeediyey Xaflad Uu Xisbiga Waddani Ku Soo Dhawaynaayay Taageerayaal Tiro Badan Oo Ku Soo Biirey.
December 24, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-Ismaaciil Hure Buubaa oo maanta ka hadlaayay munaasibad balaadhan oo xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ku soo dhawaynaayay taageerayaal tiro badan oo ku soo biirey xisbigaasi ayaa khudbadii uu halkaasi ka jeediyey hadalo ku jirey qarkood ayaa shaki wayn laga muujiyey.

Siyaasi Ismaaciil Hurre oo hore uga mid ahaa Xukumadii hore ee Somaliya ayaa waxa uu maanta xafladii lagu soo dhawaynaayay taagerayasha ku soo biirey uu ka sheegay in xisbiga Waddani hadii u guulaysto uu wax ka bedel ku samaynaayo Khariirada Siyaasadeed ee Somaliland,

Hadalka uu siyaasi Buubaa ka yidhi Munaasibada ayaa waxa bulshada Somaliland ay aad ugu falan qaynayeen Saacadihii ugu dambeeyey Baraha ay bulshadu ku xidhiidho,kuwasi oo qaarkood ku micnaystay in ujeedada uu kalahaa ay tahay in xisbiga Waddani uu midaynaaayo Soomali Wayn.

iyada oo hadalka Siyaasigan uu ku soo beegmaayo xilli aad loogu muransan yahay Warar ay qoreen warbaahinta kenya taasi oo xusaysa in masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani ay dhawaan Nairoobi kula kulmeen Madaxda ugu saraysa dalka Somaliya.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Hangoolnews.com

Hargeysa/Office

Hangoolnews@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News