Hangoolnews.com
Gacan-Yarayaash Muuse Biixi Oo Muusanoow Ka Dhex Bilaabay Xaafad Ka Mida Magaaladda Hargaysa Iyo Caadifad Cusub Oo Kulmiye…………..
December 23, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:- Masuuliyiinta Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye Oo Uu Hormood U Yahay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Habeen Hore Dhaliyaradda Iyo Wax Garadka Xaafaddda  Xawaadle Ee Magaaladda Hargaysa Dhex Muusanaabay Ka Dib Markii Ay Da,Yartaasi Shaacisay In Ay Taageero La Barbar Istaagayaan Xisbiga Waddani Ee Mucaaridka Ah.

Inkasta Oo Aanu Muuse Biixi Meesha Iman Hadda Waxay Gacan Yarayaashiisu Xafladdaas Oo Qabsoomi Lahayd Maalintii Shalay Ay Dadkii Kaadhka Loo Qaybiyay Kaga Gureen Muusanoow Ay Ka Mid Ahayd,

Miyay Daan Reer Hebel Ahayn,

Ma Nasabada Ayay Daan Ilaalinayn. Ma Maanta Ayaa Muuse Biixi Ka Ololaynaysaan.

Dhalinyaraddii Ayaa Markii Weeddhahaasi Caadifadaysan Lagu Yidhi,

Waxay Bixiyeen Kaadhadhkii Xafaladda Ee Waddani Ay Kaga Qayb Galayeen.

Nidaamkan Ayaa Ah Mid Ku Cusub Dhaqanka Siyaasadeed Ee Somaliland Iyo In Muuse Biixi Uu Diido In Xaafaddiisa Waddani Ka Dhex Ololayo,

Waxaanay Tani Horseedaysaa In Uu Muuse Ka Maarmay Beelaha Kale Ee Somaliland.

Oo Aanu U Baahnayn In Uu Ka Dhex Ololeeyo Deegaanadda Kale Ee Aanu Ka Soo Jeedin.

 

COMMENTS
Latest News