Hangoolnews.com
RASMI: Borussia Mönchengladbach Oo Iska Ceyrisay Tababare André Schubert Kadib Guuldaradii Wolfsburg by Abdirashid Mohamud “SHarDinHO”
December 22, 2016 - Written by Jumcale Gurey

André Schubert ayaa laga ceyriyay shaqada kooxda Borussia Mönchengladbach kadib markii kooxda Bundesliga ka dhisan ay guuldaro 2-1 ah kala kulantay Wolfsburg.

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Gladbach Max Eberl ayaa u sheegay Schubert iney waajib ku tahay inuu badiyo sadexda kulan ee ka horeeya ciida masiixiga hadii kalana la ceyrin doono, balse wuu ku guuldareystay inuu guul gaaro taasoo keentay inuu badbaadsan waayo shaqadiisa.

 

Si kastaba Andre Schubert ayaa kaliya guul gaarsiiyay kooxda dhamaan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kooxda ciyaartay dhamaan tartamada oo dhan.

Dhanka kale Schubert wuxuu noqday macalinkii 7-aad ee laga ceyriyo horyaalka Bundesliga tan iyo bishii September ee kal h–e.

Ugu dambeyntiina Dieter Hecking ayaa lala xiriirinayaa kooxda si uu badal ugu noqdo macalinkii la ceyriyay, inkastoo maalmo kadib la gali doono ciida masiixiga.

 

COMMENTS
Latest News