Hangoolnews.com
DEG-DEG: Borussia Monchengladbach Oo Ku DHawaaqday Macalinkii Badali Lahaa Andre Schubert Oo Saakay Ay Ceyriyeen by Abdirahman Qoslaaye
December 22, 2016 - Written by Jumcale Gurey

Borussia Monchengladbach ayaa macalinkeeda cusub u mgacaawday macalin Dieter Hecking saakay wuxuuna saxiixay qandaraas kooxdaasi ku sii heynaya ilaa June 2019.

Andre Schubert ayaa saakay laga ceyriyay shaqada kooxdaasi kadib markii uu xili ciyaareedkaan ku bilowday si aan qurxaneyn  waxana ugu dnabeysay guuldaradii ugu dnabeysay ee kasoo gaartay Wolfsburg taasoo u dhaadhicisay kaalinta 14aad.

Wararka ayaa horay u sheegay in Hecking uu ahaa ninka ugu cadcad ee badalka u noqon doona Schubert waxyana haatan Gladbach xaqiijisay macalinkeeda cusub.

 

“Waxaan dooneynaa inaan bilowno waji cusub kadib horumaradii aan sameynay dhawaanahaan, waxaana aaminsahay in Dieter Hecking uu yahay ninka ugu saxan ee qaban doona shaqadaan, waa maclain leh khibrad, wuxuu guulo ku soo gaaray kooxo kala duwan” ayuu agaasimaha ciyaaraha BMG ee Max Eberl uu u sheegay saxaafda

“Wajiga labaad ee xili ciyaareedka wuxuu noqon doonaa mid aad u adag, waxaana ina horyaala xili ciyaareed xiiso badan oo ah Bundesliga, DFB Pokal iyo Europa League waxaan sugi la’nahay xiisaha waqtigaas ina horyaala” ayuu yiri agaasime Max Eberl.

 

COMMENTS
Latest News