Hangoolnews.com
Chelsea Oo Man United Kula Dagaalamaya Saxiixa Artuto Vidal Oo Looga Yeedhaayo Ingiriiska.
December 21, 2016 - Written by Hangool

Kooxda hogaamineysa horyaalka ingiriiska ee Chelsea ayaa diyaar u ah iney dhigeeda Manchester United kula dagaalanto saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal kaasoo looga yeerayo horyaalka ingiriiska, sidaasi waxa qortay Dan Ballon.

Wararka ayaa sheegaya in xidiga khadka dhexe ee xulka Chile uu jeclaan lahaa inuu naftiisa ku tijaabiyo horyaalka Premier League waxaana aad u doonaya macalinkiisii h–e ee Antonio Conte laakin wuxuu tartan adag kala kulmayaa kooxda macalin Jose ee United.
Vidal ayaa taageera kooxda Man United wuxuuna isku dayay inuu ku biiro xagaagii 2013 iyo 2014 ee ay kooxdaasi kala maamulayeen David Moyes iyo Van Gaal laakin isfahmi kooxaha dhexmaray ayaa sabab u ahaa inuu Vidal ku biiro ugu danbeyn kooxda Bayern.

Si kasto, hadii warkaan Dan Ballon ay oqrtay uu yahay mid ay xaqiiqo u heyso, Blues ayaa burburiye sadexaad ku soo darsan karta khadkeeda dhexe oo ay xili horeba joogaa Kante iyo Matic.

COMMENTS
Latest News