Hangoolnews.com
War Deg Dega:-Maxkamada Ugu Saraysa Xidhiidhka Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Loo Yaqaan CAS Oo Ganaax Culus Ku Soo Rogtey Kooxda Real Madrid.
December 20, 2016 - Written by Hangool

Sports:-Maxkamada ugu sareysa ciyaaraha caalamka ee CAS (Court of Arbitration For Sport) ayaa ganaaxii suuqa kale iibisga Real Madrid laga saaray ee kaasi oo ah in yaraynta labada suuq kana dhigtay kaliya hal suuq,

Go,aankan oo ka dhigaya kooxda Madrid in halkii sano ay gasho kaliya hal mar suuqa halka awalkii hore ay kooxda Madrid sida caadiga wax iibsan jirtey labada goor ee ay furan yihiin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanadu.

War rasmi ah oo ay soo saartay kooxda Real Madrid ayaa lagu yidhi “Real Madrid waxay cadeyneysa in maanta maxkamada ugu sareysa ciyaaraha ee  Court of Arbitration for Sport (CAS) ay maanta ku wargelisay Real Madrid C. F. go’aankooda ah iney qeyb ahaan aqbaleen racfaankii ay kooxda ka qaadatay cuno qabateentii ay ku soo rigtay FIFA ee kooxda ka mamnuuceysay iney lasoo wareegaan wax ciyaartooy ah mudo labo suuq kale iibsi waxayna ku soo yareeyeen kaliya hal suuq kale iibsi kaasoo noqonaya suuqa kale iibsiga ciyaartooyda ee January 2017”.

“Go’aankaan, wuxuu cadeynayaa cadaalad daradii ay FIFA kooxda ugu soo rogtay cuna qabateenta, inkastoo kooxda ay ka shaleyneysa in CAS aysan ku dhiiro gashaneyn iney gabi ahaanba qaadaan cuno qabateentaan”.

Real ayaa heshay ciqaab ka duwan tii Barcelona oo aan labi suuq kale iibsi la soo wareegi wax ciyaartooy ah labo sano ka hor laakin dib loogu dhigay ganaaxoodii.

Atletico Madrid ayaan ilaa haatan wax warbixin ah ka helin dacwadaan oo isku maalin lagula soo oogay Real Madrid

COMMENTS
Latest News