Hangoolnews.com
Xajiin-Siyaasaddeed Oo Markale Ka Dhex Curaytay Cirraha Waddani Iyo Muusaha Kulmiye + Halka Ay Iska Qaniineen
December 18, 2016 - Written by Hangool

Hangoolnews:-  Musharaxiinta Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani Ayaa Waxaa Ka Dhex Curatay Xajiin-Siyaasaddeed.

Inkasta Oo Markii Horeba Uu Ka Dhexeeyay Loolanku Haddana Waxaa Xanaf Ku Noqotay Xisbiga Kulmiye Weerar toosa Oo Aan Musharax Cabdiraxmaan Cirro Looga Baran Oo Uu Ku Qaaday Muus Biixiga Kulmiye.

Geesta Kale Ayaa Waxaa Qoomay Nabaradda Siyaasaddeed Ee Kulmiye Ka Dib Markii Wafti Uu Hogaaminayo Cirraha Waddani Uu La Kulmay Wafuud Qaadhaan-Bixiyayaal Ah Oo Uu Ka Dalbaday In Gurmad Loo Fidiyo Dadka Abaartu Waxyeelaysay, Kana Aqbaleen Codsigaasi Hayadaha Ay La Kulmeen Waftiga Cirro Uu Hogaaminayay Ee Ku Sugnaa Nayroobi.

Maalintii Shalay Ayay Ahay Markii Uu Wasiir Ka Tirsan Xukumadda Siiraanyo Uu Sheegay In Cirro Yahay Qaran Dumis,

Labadan Musharax Ayaa Ahaa Laba Inta Badan Ka Dhowrsadda In Ay Si Toosa U Wadda Hadlaan,

Isku Soo Wadda Xooriyoo Shacabka Ay Codka Martidda Ugu Yihiin Ayaa Eegaya Ficiladda Iyo Xajiinta Siyaasadeed Ee Ka Dhex Curatay Muusaha Kulmiye Iyo Cirraha Waddani.

COMMENTS
Latest News