Hangoolnews.com
Dag Dag:- Akhri Qodabadda Warqad Khiyaamo Ah Uu Madaxwaynaha Jabuuti U Soo Diray Siiraanyo + Fadeexadda Ku Duugan
December 18, 2016 - Written by Hangool News

Hangoolnews:-  Dhawaan Ayay Ahayd Markii Wafti Ka Socda Waddanka Jabuuti Uu Yimid Hargaysa Kaas Oo Uu Hogaaminayay  Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Waftigan Ayaa Waxay Ay Sideen Warqadd Uu Madaxwaynaha Jabuuti U Soo Diray Madaxwaynaha Somaliland.

Nuxurka Warqaddan Oo Oo Ifbaxay Ayaa Ah Mid Xambaarsanayd Laba Qodob:-

= In Xoolaha Somaliland Laga Dhoofiyo Jabuuti

= In Jasiiradda Sacaada-Diin Lagu Wareejiyo Jabuuti.

Faddeexadda Kale Ee Warqadani Xambaarsanayd Aya Ah Mid Lagu Sheegay In La Dhameeyay Dhismaha Dakadda Jabuuti Oo Loo Baahan Yahay In Xoolaha Somaliland Halkaasi Laga Dhoofiyo,

Si Ay Dhaqaale Badan Ugu Soo Galaan,

Halka Warar Hoosena Ay Sheegayaan In Ay Jabuuti Lug Ku Lahayd Hakinta Xoolaha Somalida Oo Aanay Jabuuti Lagu Darin.

Talaabadan Ayaa Waxay Laf-Jab Ku Tahay Qaran-Nimadda Somaliland Haddii Ay Aqbasho Xukumadda Somaliland.

Dawaladda Jabuuti Ayaa Dhowr Jeer Isku Dayday In Ay Waxyeelayso Hadafka Siyaasadeed Ee Somaliland.

Hangoolnews@Gmail.Com

COMMENTS
Latest News