Hangoolnews.com
Akhri:- Wasaaradda Dhaliyaradda Iyo Ciyaarahu Waa Mid Fadhiida Oo Shaqadeedii Gabtay…..Waxaanay Noqotay Mid Kulmiye……..Dhalinyaradda Barbara
December 17, 2016 - Written by Hangool News

Berbera (Hangoolnews)-Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Berbera ayaa dhaliilo kala duwan u soo jeediyey wasaarada Ciyaaraha Somaliland, waxaana sheegeen in ay wasaaraddu ku milantay siyaasada iyo ka shaqaynta Xafladaha Xisbiga KULMIYE,iyagoo sheegayn in wasaaradda Ciyaaraha Somaliland ay tahay wasaaradda keliya  ee aan ka shaqayn gobolka Saaxil, isla markaana aan Xafiisyo ku lahayn.

Dhalinyarada oo la haddlaysa Tv-ga Bulsho ayaa waxa ka mid ahaa  haddaladoodii sidan “Wasaarad Dhalinyaradda iyo ciyaarahu  waa mid fadhiisatay oo shaqadeedii gabtay oo ilawday, shaqadeedii waxay noqotay  inay kolba ka qayb-gasho xaflada soo dhawynta Xisbigyada gaar ahaan xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE,”

Iyagoo haddalkooda sii wata ayaa waxa ugu baqeen wasaaradda ciyaaraha in ay shaqadeed ku eekaato oo ay ka baxdo siyaasada.”Waxaan anigu u soo jeedinayaa wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha in ay shaqadeed ku foognaato   oo ay shaqadeed qabato oo ay iska deyso u shqaynta iyo ka shaqaynta Xisbiyada

Ugu dambayntii dhalinyaradan ayaa sheeca ka qaaday in ay wasaaradda ciyaaruhu gabtay shaqadeedii, waxaanay sheegeen in aanay ka shaqayn gobolka Saaxil ,isla mrakaana aanay wax xafiisyo ah ku lahayn magaalada Berbera”waxa doorkeedii gabtay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland , waxaad arkaysaa in masuuladii wasaarada ciyaaruhu aanay  shaqooyinkoodii caadi u gudanahayn oo aanay xafiisyo shaqeeya-ba gobolka ku lahayn aanay xataa  waaxo  ku lahayn,

Waxaan maanta halkan ka cadaynayaa in aanay wasaaradda ciyaarah ee gobolka Saaxil aanay shaqayn,waa wasaarada keliya ee an gobolka ka shaqayn,”ayey ku soo koobeen haddalkooda

 

COMMENTS
Latest News